Dhacdo Naxdin badan oo ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar

Dhacdo Naxdin badan oo ka dhacday magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar
Magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar ayaa shalay waxaa ka dhacday Dhacdo naxdin gelisey bulshada kadib markii Wiil 17 jir ah uu ku dhintay gacanta maamulihiisa .

Arintan ayaa ka dhacday xarun lagu xareeyo caruurta dhaqan celiska ah oo qurbaha laga soo ceshay.
Wiilka asagoo la dilaayo ku nafbaxay gacanta maamulihiisa ayaa lagu magacaabi jiray Camar C/xamiid C/xakiin wuxuuna ahaa 17 jir Soomaali Maraykan ah kuna dhashay gooblka Mennasota ee dalkaaasi Maraykanka.

Laamaha amaanka ayaa xiray xarunta dilku ka dhacay ayagoo baaritaan furay ,

ninka falkan Geystey oo ah maamulaha Xarunta al fajri ee uu dilku ka dhacay ayaa sheegay inuu Jin ka saarayey wiilka markay falka Su'aalo ka waydiiyeen Boolisku

Dilka macalimiinta qaar u gaystaan ardayda ay waxbarayaan ayaa dhaawacyo waaweyn gaarsiiya ardaydaas oo mararka qaar ku nafbaxa ayagoo macalimiintoodu garaacayaan

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain