Gaadiidleyda Puntland oo lugu amray inay qaataan Laysin

Dareewalada gaadiidka ka dhex shaqeeya Puntland ayaa dowladdu waxaa ay amar ku siisay si dhaqso ah inay ku qaatan shaciga u oggalanaya wadida gaadiidka ee (Laysin),sida waxaa sheegay taliyaha ciidanka nabad-galyadda waddooyinka Puntland.

Qorshaha dowladda waxaa uu yahay inay si dhow ula socota dhaqdhaqaaqa gaadiidka oo an hadda adeegsan wax sharci ah oo lugu dabagalo ama lugu aqoon sado,sida ay laamaha ammaanka sheegeen.

"Waxii ka dambeysa bisha June waxaa looga baahan-yahay gaadiid leyda inay sameystaan sharciga Laysin oo u oggalanaya inay Puntland gaadiid ku dhex wadaan,"ayuu yiri Kol. Axmed Cabdi Cali (Qalyare) oo ah taliyaha ciidanka nabad-galyadda waddooyinka Puntland.

Qalyare waxuu sheegay in go'aankan uu yahay mid si isku mid ah looga dhaqan-galinayo dhammaanba gobollada Puntland,waxuuna ugu baaqay gaadiid leyda inay sharciga u hoggaansanaadan.

"Arrinta kale ee an u sheegayno waxaa ay tahay in darawalada iyo caawiyahiisaba ay qaatan sharciga ama kaarka muwaadinimada Puntland si loo aqoon sado,"ayuu ku daray hadalkiisa Kor.Axmed Cabdi.

Waxuu sheegay taliyaha nabad-galyadda waddooyinka Puntland inay aaminsan-yihiin gaadiidley si sharci darro ah dad ku soo galiya Puntland,balse sharciyadan cusub ay xakameyn doonan darawadalada iyo gaadiidka ay waddan.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain