Tartanka Qandaraaska Dhismaha Aqalka Wasaarada Haweenka Oo Maanta Furmay

Qandaraaska lagu dhisayo Aqalka wasaaradda horumarinta haweenka iyo Arimah Qoysk puntland ayaa maanta ka furmay xarunta wasaaradda howlaha guud iyo Gaadiidka puntland ee Magaalada Garoowe.

Qandaraaskan oo ay soo abaabushay Wasaaradda Howlaha Guud iyo Gaadiidka Puntland ayaa waxaa maanta furay wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland aniso c/qaadir xaaji ayadoo ay ka qayb-qaadanayaan 23-shirkadood oo ku tartami doona qandaraaska dhismaha Aqalka Wasaaradda Haweena Puntland oo laga dhisayo Magaalada Garoowe.

Dhismaha aqalka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa noqonaya markii ugu horaysay oo ay Wasaaradu yeelato xarun ay gaar uleedahay tan iyo markii la aasaasay dawlada puntland 17-sano ka hor.



BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka deegaanada Calbari
Nagala soo xiriir: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain