Wafdi balaaran oo uu hogaaminayo Wasiirkii hore ee waxbarashada iyo kaluumaysiga ee Dowladihii soomaaliya xildhibaan Aadan Maxamed Cali oo caaway Degmada Baargaal soo gaaray

Degmada Baargaal ee gobolka Gardafuu waxaa Caawa soo gaaray wafdi balaaran oo uu horkacayo Wasiirkii hore ee waxbarashada iyo kaluumaysiga ee Dowladdihii soomaaliya xildhibaan Aadan Maxamed Cali.

Waxaa kale oo Wafdiga xildhiban aadan maxamed cali ku weheliyay gudoomiyaha gobolka gardafuu mudane c/qaadir maxamed iidi iyo Qoraa iyo Cilmi Baare Maxamed Shiikh xasan Nuur.

Wafdiga wasiirka ayaa waxaa si diiran usoo dhaweeyay bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan degmada Baargaal oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf ayadoo looga hortagay wafdiga wasiirka magaalada Baargaal Banaankeeda.

Soo dhaweynta kaddib, waxaa wafdiga loo soo galbiyay magaalada.

wafdiga ayaa qorshaynaya inay daahfuraan bandhig buugeed iyo carwo dhaqameed lagu qabanayo magaalada Baargaal.

Xildhibaan Aadan Maxamed Cali ayaa ah siyaasi ruug caddaa ah kana mid ah Odayaasha iyo waxgaradka miisanka leh ,Wasiir hore, Xildhibaan hore dawladhii Soomaliya, laguna yaqaano taariikhda dheer ee uu waxbarashada Soomaaliya ku leeyahay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
Email:Baargaal@ gmail.com
Developed by Jago Desain