Dhegeyso waraysi :Banaanbax looga soo horjeedo Dawlada fedraalka iyo shirka cadaado oo Baargaal ka dhacay

Degmada Baargaal ee Gobalka Gardafuu waxaa maanta lagu qabtay banaanbax ay ka soo qayb galeen maamulka degmada, Nabadoonada, ururada haweenka, dhalinyarada iyo bulshada ku dhaqan degmada Baargaal oo looga soo horjeedo faragalinta qaawan ay madaxda dawlada federaalku ku hayaan dustuurka fedraalka ee lagu heshiiyay iyo maamulka lagu dhisayo magaalada Cadaado. 

Dadka banaabaxan kasoo qayb galay  oo watay boorar ay ku qornaayeen halkudhigyo kadhan ah maamulka cadaado laga  iyo masuuliyiinta dawlada federaalka ayaa socod dheer kusoo maray wadooyinka magaalada baargaal iyagoo markii dambe isugu yimid xarunta maamulka degmada, halkaasoo ay kula hadleen masuuliyiinta degmada.

Abuukar Axmed Yuusuf oo ah gudoomiyaha degmada baargaal ee gobolka gardafuu oo lahadlay dadka isku soo baxay ayaa ka hadlay sida dadka dareenkoodu yahay isagoona sheegay in dadku aad uga xunyihiin shirka cadaado iyo dhaqamada madaxda sare ee dowladda federalka.


halkaan ka dhegeyso waraysiga oo dhamaystiran.



SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain