Eedeysanayaal Soomaali ah oo markii ugu horeysay la soo taagayo maxkamad Yurub ku taala

Maxkamadda Yurub ayaa markii ugu horeysay qaadeysa dacwado loo heysto eedeysanayaal Soomaali ah oo lagu tuhmayo inay ku lug yeesheen qarax ka dhacay magaalada London ee wadanka Ingiriiska.

Maxkamadaan oo qaabilsan arrimaha xuquuqul aadanaha ayaa la sheegayaa inay qaadeyso dacwadda la xariirta kiiska Qaraxa, iyadoo dacwadaasi ay dhaceyso toddobaadkaan gudihiisa.

Eedeysanayaasha Soomaalida ah oo lagu kala magacaabo: Yaasiin Cumar, Ismaaciil Ibraahim, Ramzi Maxamed iyo Muqtaar Saciid Ibraahim ayaa sheegay inaysan wax shaqo ah ku lahayn dembiyada lagu soo oogay.

Kiiskaaan oo dhacay toban sano kahor ayaa haatan la filayaa inay go’aan kama dambeys ah ka gaarto Maxkamadda Xuquuqda aadanaha u qaabilsan Midowga Yurub.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Waxaad nagala soo xiriiri kartaan: 


Developed by Jago Desain