Posts

WAR DEG DEG AH:- Madaxwaynaha Puntland Oo isku bedelay qaar kamid ah Agaasimeyaasha guud ee wasaaradaha

War hadda ka soo baxay xafiiska Madaxtooyada Dowladda puntland ee Magaalada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas uu maanta isku bedelay Dhowr Agaasime guud oo Wasaaradaha ka tirsanaa.

Maxamed Cali Faarax oo ahaa Agaasimihii guud ee Wasaaradda Arrimaha waxaa loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Diinta iyo Dhaqan celinta.

C/risaaq Nuux Maxamuud oo ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Caddaaladda, Diinta iyo Dhaqancelinta waxaa loo Bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Muno Daahir Dalmar oo ahayd Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Haweenka iyo Horumarinta Qoyska waxaa loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Isbadalka oo ahaa mid la sugaayay ayaa salka ku haya khilaaf soo kala dhexgalay agaasimayaasha qaar iyo wasiiradii ay la shaqaynayeen
Developed by Jago Desain