Wax ka baro Tobanka dhismo ee aduunka Ugu dhaadheer

Wax ka baro Tobanka dhismo ee aduunka Ugu dhaadheer

Dhismayaasha Tower-ka cajiibka ah & daaraha dhaadheer ee dunida laga dhisayo waxay ahaayeen yoolka ugu weyn Injineerada & dadka Hantiilayaasha ah ee ku kala firirsan dacalada dunida, waxaa maanta dunida ka dhisan tobanaan daaro dhaadheer oo qurux badan loona farsameeyey hab la yaab leh, kuwaasi oo ay u soo daawasho tagaan malaayiin qof.
Hadaba daaraha dhaadheer ee xiligan dunida ugu caansan uguna dhirirka badan waxay ka dhisan yihiin wadamada Carabta, iyadoo Mareykanku uu ka harey daaraha ugu dheer caalamka ka dib markii dhulka la dhigay labadii daarood ee mataanaha ee (Twin Towers) ee magaalada New York ka dib weerarkii September 2001-dii.
Warbixintan waxaan ku eegaynaa tobanka daarood ee xiligan ee dunida ugu dhaadheer uguna quruxda badan, iyadoo ay ugu horeeyaan kuwa ku yaal wadamada Carabta sanadkan dhamaadka ah ee 2012.
1. Burj Khalifa
Dhismahan wuxu ku yaal magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, wuxuu socdey dhismihiisu mudo lix sano ah, iyadoo la dhameystiray sanadkii 2010-kii, isagoo ka kooban 828 meter ama 2,717 oo cagoodood (feet). Dhismahan wuxuu ka kooban 168 dabaq waxaa ku baxdey 1.5 bilyan oo doolar, waana aalada ugu dheer ee biniaadam sameeyey.
Dhismahan oo ay maamusho hay’ad ay dawladu u xilsaartey, waxaa la iibiyey 40% qaybaha uu ka kooban yahay, iyadoo qaybaha kalena la kireeyey.
2. Makkah Royal Clock Tower
Dhismaha Abraj Al Bait ama Makkah Royal Clock Tower waa dhismaha labaad ee dunida ugu dheer wuxuu ku yaal magaalada Barakeysan ee Makkah Al-Mukaramah ee wadanka Sacuudiga, wuxuuna dusha sare ka eegayaa Xaramka ama Kabcada.
Dhismahan wuxuu ka kooban yahay 120 dabaq, isagoo dhirirkiisu la’egyahay 601 meter, ama 1971 cagood (feet), waxaana la dhameystiray sanadkan 2012.
Dhismaha Makka CLock Royal Tower Hotel wuxuu kaloo leeyahay oo xaga sare ka saaran saacada dunida ugu weyn, isagoo dhismahan sidoo kale uu leeyahay magaca ah saacada dunida ugu dheer, dhismahan wuxuu qayb ka yahay mashruuc loogu magac darey King Abdulaziz Endowment Project ama Mashruuca Sadaqada Boqor C/casiis, waana hanta Dawlada & dadka Sacuudigu leeyihiin.
Muslimiinta dunida ku dhaqan waxay u tahay wax ay ku faanaan labadan dhisme ee dunida ugu dhaadheer oo ku yaal labadan ee Islaamka ah.
3. Taipei 101
Waa dhismaha sadexaad ee aduunka ugu dheer wuxuu ku yaal magaalada Taipei ee Jasiirada Taiwan, wuxuuna ka kooban yahay 101 dabaq waana sababta uu u qaatey magaca Taipei 101.
Dhismahan dhirirkiisu wuxuu gaarayaa 509 meter ama 1670 cagood (feet), iyadoo la dhameystiray sanadkii 2004-tii.
Ka hor intii aan la dhisin dhismaha Burj Khalifa ee magaalada Dubai wuxuu dhismaha Taipei 101 uu ahaa kan dunida ugu dheer, waxaana iska leh shirkada Taipei Financial Center Corporation.
4. Shanghai World Financial Center
Dhismahan wuxuu ku yaal degmada Pudong magaalada Shanghai ee wadanka Shiinaha wuxuu ka kooban yahay 101 dabaq, dhirirkiisuna wuxuu gaarayaa 492 meter ama 1614 cagood (feet).
Dhismahan oo wuxuu isagu jiraa qaybo kala duwan oo ka kooban Bangiyo, xafiisyo, Hoolal shirar, dukaamo waa weyn, iyo Hotel 171 qof ka kooban oo ku fadhiya dabaqa 79 –aad ilaa kan 92-aad.
Dalka Shiinaha waa dhismaha ugu dheer, waxaana isla leh shirkada Shanghai World Financial Center Company, iyadoo dhismahan la dhameystiray sanadkii 2008-dii.
5. International Commerce Center Dhismahan wuxuu ku yaal magaalada Hong Kong wuxuu ka kooban yahay 118 dabaq, dhirirkiisu wuxuu dhan yahay 484 meter ama 1588 cagood (feet), waxaa la dhameystiray dhismihiisa sanadkii 2010-kii.
Dhismahan waxaa qayb ka ah ganacisga ku yaal hotel-ka caanka ah ee The Ritz-Carlton, Hong Kong kaasi oo haysta dabaqa 102-aad ilaa kan 118-aad, hotel oo ah kuwa caalamisan dunida waxaa qaybtiisa Presidential Suite (qaybta ugu qaalisan) halkii habeen lagu jiiftaa 12,902 (laba iyo toban kun sagaal boqol & laba doolar).
Dhismaha International Commerce Center waxaa kale oo xarumo ku leh Bangiyo caalami ah oo ay ka mid yihiin Morgan Stanley, Deutsche Bank & Credit Suisse.
6. Petronas Tower/ Petronas Tower
Waa laba dhisme oo mataano ah oo ku yaal magaalada Kaula Lampour ee wadanka Maleysia, waxay ka kooban yihiin 88 dabaq midkiiba, dhirirkooduna wuxuu gaaraya 452 m ama 1483 cagood (feet).
Inkastoo ay yihiin dhismaha lixaad ee aduunka ugu dheer hadana Petronas Tower waa dhismaha mataanaha ee aduunka ugu dheer ilaa iyo xiligan, wallow kuwa badan la dhisay.
Dhismahan waxaa iska leh shirkada KLCC Holding, wuxuuna ahaa dhismaha aduunka ugu dheer sanadkii 1998-dii ilaa sanadkii 2004-tii, waxaa ku baxay dhismihiisa qarash gaaraya 1.6 bilyan doolar.
7. Zifeng Tower
Dhismahan wuxuu ku taal magaalada Nanjing ee wadanka Shiinaha wuxuu ka kooban 89 dabaq, dhirirkiisuna wuxuu dhan yahay 450 m ama 1476 cagood (feet), waxaa la dhameystiray dhismihiisa sanadkii 2009-kii, laakiin sanadkii 2010 bishii December ayaa si rasmi ah loo furay.
8. Willis Tower
Dhismahan wuxuu ku yaal magaalada Chicago ee gobolka Illinois ee wadanka Mareykanka, dhirirkiisu wuxuu gaarayaa 442 m ama 1450 cagood (feet), wuxuuna ka kooban 108 dabaq, dhismahan oo la dhisay sanadkii 1973 in mudo ah ayuu ahaa dhismaha dunida ugu dheer laga soo bilaabo 1979-kii ilaa 1998-dii.
Dhismahan wali waa kan ugu dheer dalka Mareykanka, waxaana mulkiilayaasha iska leh ay xaqiijiyeen inay dib u dhis ku sameyn doonaan.
9. KingKey 100
Dhismahan wuxuu ku yaal magaalada Shēnzhèn ee gobolka Guangdong ee wadanka Shiinaha wuxuu ka kooban yahay 100 dabaq, dhirirkiisuna wuxuu gaarayaa 442 m ama 1449 cagood (feet).
Dhismahan waxaa xarumo ku leh shirkado ganacsi iyo bangiyo, iyadoo uu ku yaal hotelka caanka ah ee St. Regis oo ku fadhiya dabaqa 75-aad ilaa kan 98-aad.
10. Guangzhou International Finance Center
Dhismahan wuxuu ku yaal magaalada Guangzhou ee dalka Shiinaha wuxuu ka kooban yahay 103 dabaq, dhirirkiisuna wuxuu gaaraya 440 m ama 1440 cagood (feet)
Dhismahan oo la dhameystiray sanadkii 2010-kii waxaa degan shirkado kala duwan oo ganacsi, iyadoo sidoo kale uu ku yaal Hotel caan ah oo lagu magacaabo Four Seasons, iyo waliba goobo kale oo loo dalxiis tago.
Dhinaca kale waxaa la filayaa in dhawaan in sanadaha soo socda ay ku soo biiraan tartanka daaraha ugu dhaadheer dunida dhismayaal kala duwan.
Dalka Sacuudiga waxaa la filayaa sanadka 2017-ka in la soo gabagabeeyo dhismaha Kingdom Tower oo laga dhisayo magaalada Jeddah ee wadanka Sacuudiga kaasi oo ay ku bixi doonto aduun gaaraya 1.23 bilyan oo doolar, wuxuu ka koobnaan doonaa 1000 m ama (3,280.84) feet.
Dalka Azerbaijan oo ka mid ahaa Jamhuuriyadii burburtey ee midowgii Soofiyeeti ahna dal hodan ku ah soo saarida Saliida ayaa sanadka 2015-ka waxaa la qorsheeyey in laga bilaabo dhismaha daar loogu magac darey Azerbaijan Tower taasi oo dhirirkeedu noqon doono 1050 m ama (3,445) feet, wuxuu dhismahaasi ka koobnaan doonaa 189 dabaq iyadoo ay ku bixi doonto aduun lacageed oo gaaraya 2 bilyan oo doolar.
Ku darso intaad ka ogtahay: 100-ka dhisme ee dunida ugu dhaadheer 27 ka mid ah waxay ku yaalaan wadanka Isu tagga Imaaraadka carabta, 22 waxay ku yaalaan Shiinaha, halka 16 ay ku yaalaan Mareykanka.
Developed by Jago Desain