Degmada Cadaado Oo Laga Baadi Goobayo Xildhibaanadii Ku Doortay Cabdikariin Guuleed.

Wararka ka imaanaya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in degmadaasi laga baadi goobayo inta badan xildhibaanadii dhowaan ay halkaasi geysey dowladda federalka ah ee Soomaaliya soona doortay Cabdikariin Xuseen Guuleed kuwaasi oo lacago badan ka qaatay Musharixiintii Cadaado.

Qaar kamid ah xildhibaanada ayaa lasheegayaa in ay lacago badan ka qaateen Musharixiinta xilligoodii ololaha doorashada kadibna ay uga bexeen codkoodiina ka iibsadeen musharax kale iyada oo qaar kamid ah laga ceshaday lacagihii ay qaateen kuwo kalana ay si dhuumasho ah uga bexeen Magaalada.

Gelinkii dambe ee shalay ayaa waxaa jirey warar laga helay garoonka diyaaradaha ee Cadaado kaasi oo sheegayey in mid kamid ah musharixiintii laga guulaystay uu garoonka ka helay xildhibaan lacago badan ka qaatay kadibna uu waydiistay lacagtii uu ka qaatay.

Warar hoose ayaa waxa ay sheegayaan in xildhibaanada ay kujireen qaar aan sidhab ah u dooneyn in ay sii ahaadaan Xildhibaan Galmudug ah dantooduna ay ahayd in ay Codeeyaan oo keliya iskana baxaan kana tanaasulaan Xildhibaanimada waana sababta keentey in ay kabaxsadaan Cadaado.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbar
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain