Dhageyso: Warbixino laga gudbiyay Puntland oo sababay inuu istaago dhoofkii xoolaha Puntland

Dhageyso: Warbixino laga gudbiyay Puntland oo sababay inuu istaago dhoofkii xoolaha Puntland
Baargaal.net ( Garowe) Wasiirka qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ee dowladda Puntland Shirre Xaaji Faarax ayaa shaaciyay inay Puntland warbixino been abuur ah ka gudbiyeen shirkado ajnabi ah oo daraasad ku sameeynayay caafimaadka xoolaha Puntland.

Wasiirka Qorshaynta ayaa sheegay warbixinadaas la gudbiyay in ay sababeen in Puntland laga dhoofsan waayo xoolihii sanad walba loo iib gayn jiray dalka dibadiisa islamarkaana laga heli jiray dhaqaale.

Shirre Xaaji wuxuu sheegay in caalamka loo gudbiyay inay cuduro halis ah qabaan xoolaha ku nool dhulka Puntland, taasoo markii dambe isku badashay in shirkadiihii xoolaha ka dhoofsan jiray Puntland ay joojiyaan xoolihii ay ka dhoofsan jireen dekedaha Puntland.

Wasiirka qorshaynta ayaa uga digay hay’addaha dowladda in mar dambe xog lasiiyo shirkad aan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland, si looga hortago in waxyeelo dambe loo geysto kaabayaasha dhaqaalaha Puntland oo ay xooluhu ugu horeeyaan.

Hadalkaan ayuu wasiirku ka sheegay isagoo furayay shirku saabsanaa samaynta siyaasada xog aruurinta Puntland.

Dhowaan wasaaradda xanaanada xoolaha Puntland ayaa gobolada ukala dirtay dhaqaatiir caafimaad oo kasoo jawaabaya cabashooyin kasoo yeeraya dadka reer miyiga, kuwaas oo ka sheeganayay cuduro ku dhacay xoolaha oo ay maaro u waayeen.

Puntlandtimes ayaa raadindoona macluumaad kale oo ku saabsan warkaan si aan xaqiiqada dhabta ah usoo ogaano.

Halkaan ka dhageyso wasiirka oo arrintaan ka hadlaya.




SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com


Developed by Jago Desain