Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay 13-ka bishaan gudbineyso dacwadii xuduuda Badda ee ay la wadaagto Kenya

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye Wasiirka Warfaafinta,Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya oo Warfidiyeenka kula hadlayey Xafiiskiisa ayaa sheegay in Kulankii Golaha Wasiiradda ay ku yeessheen Muqdisho oo uu shir Guddoominayay Raisul ’wasaare Cumar Cabdirashiid warbixinno looga dhageystay Qareenno Soomaaliyeed oo loo xilsaaray Dacwad la xiriirta Xuduudda Badda Somaaliyaay la wadaagto Kenya.

“Waxaa Warbixin laga dhageystay labo Qareen oo Soomaali ah oo noo qaabilsan Dacwada Xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya kuwaas oo soo diyaariyey Warbxin ka kooban 130 Boga, waxaana hore u dhacay in Dhowr jeer la isku dayey in arinta Badda lagu xaliyo Wada hadal balse ay suurta geli weysey taasina waxay keentey Aakhirkii in Dowladda Soomaaliya ay Dacwad u gudbiso Qaramada Midoobey” Sidaa waxaa yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye.



Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye waxaa uu sheegey in Golaha Wasiirada ay isku raaceen in 13-ka Bishaan Soomaaliya ay u gudbiso Dacwada Xuduud Badeedka Soomaaliya iyo Kenya isagoo sheegey in Dowladda Kenya ay heysato Muddo Sideed Bilood ah oo ay uga soo jawaabto Dacwadaas , sidoo kale waxaa uu sheegey in Bisha Maarso 2016 ay si rasmi ah u bilaaban doonto Dacadaas ku aadan Xuduuda Badda Soomaaliya , waxaana Warbxintaan ay soo diyaariyeen Qareenada loo gudbin doonaa Golaha Baarlamaanka.

“Dadka Somaaliyeed meel kasta oo ay jooaan waxaan u soo jeedinayaa in ay ka qayb qaataan Dhaqaale ahaan Dacwadaas oo ku baxay Kharasha aad u badan , waxaana rajeyneynaa 99% in Soomaaliya ay ku guuleysato Dacawadaas” ayuu yiri Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye oo sheegey in Dowladda Kenya ay ku soo Xadgudubtey Badda Soomaaliya.

Waxaa la sheegey in Dowladda Kenya ay Shidaal ka baareyso 8 Ceeel oo 7 ka mid ah Ceelashaas ay ku yaalaan Gudaha Soomaaliya hase yeeshee Dhawaan waxay Dowladda Kenya ay sheegtey in Dowladda Soomaaliya ay ka laabatey Dacwadii u dhaxeysey Soomaaliya iyo Kenya ee Badda Soomaaliya , wxuuna Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareye mar kale Bulshada Soomaaliyeed ay ka qayb qaataan Dacwadaas.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain