Faahfaahin ka soo baxeysa Weeraro Ismiidaamin ah iyo qaraxyo caawa lala beegsaday Hoteello ku yaala Muqdisho

Xaaladda magaalada Muqdisho ayaa caawa isbedel laga dareemayaa, kaddib markii qaraxyo iyo weeraro toos ah lagu qaaday hoteelo ku yaala magaalada Muqdisho.

Hoteelada Wehliye oo ku yaala wadada Shaqaalaha una dhaxeeya isgoysyada Sayidka iyo Dabka iyo waliba Hotelka kale Siyaad lagu magacaabo oo ku yaala afaafka hore ee xarunta madaxtooyada Villa Somalia ayaa waxaa soo weeraray rag hubeysan oo la beegsaday qaraxyo iyo weeraro fool ka fool ah.

Wararka ayaa sheegaya in labada Hotel loo adeegsaday gawaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, iyadoo ilaa iyo iminka ay socoto is rasaaseyn u dhaxeysa ciidamada Dowladda iyo ragii weerarka ka dambeeyay.

Inkasta oo Hotelka Siyaad aanay haatan ka soconin wax is rasaaseyn ah, ayaa hadana waxaa weli rasaas goos goos ah laga maqlayaa Hotelka Wehliye oo ay gudaha u galeen dableydii weerarka soo qaaday.

Dhinaca kale afhayeen u hadlay ururka Al-Shabaab ayaa wakaaladda wararka Reuters u sheegay inay iyagu ka dambeeyaan weerarada caawa ka dhacay magaalada Muqdisho.

Al-Shabaab ayaa sheegtay inay ku dileen madax iyo saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya, walow aanay jirin warar madax bannaan oo xaqiijinaya sheegashada Shabaab.

Faahfaahinta qasaaraha ka dhashay qaraxyada wararkeana dambe ayaan idinkugu soo gudbineynaa.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain