Posts

FAH FAAHIN: Qarax Ismiidaamin ah oo dhimasho iyo dhaawac sababay oo lagu weeraray Hotel Jazeera ee magaalada muqdisho

Qarax Gaari ayaa waxaa lagu weeraray Hotelka Jazeera ee Muqdisho, iyadoo Khasaaraha Weerarka wali ay kasoo baxayaan Warar kala duwan.

Wararka ayaa sheegaya in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lagu dhuftay afaafka hore ee Hotelka, iyadoona uu qaraxu burbur gaarsiiyay Dhismaha Hotelka.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha DFS ayaa sheegtay in 4 Ruux ay ku dhinteen Qaraxa oo lala eegtay Hotel Jazeera oo ay degan yihiin Safaarado badan oo ay kamid yihiin safaaradaha dalalka Qatar, Imaaradka, iyo China.

AMISOM ayaa sidoo kale sheegtay in Hotelka ay gaareen Ciidankooda islamarkaan ay wadaan Howlgallo.

Guryo badan oo u dhaw Hotelka ayaa bur-buray

Shabakada Baargaal.net
isha wararka horumarka calbari
Developed by Jago Desain