Madaxweynaha Jubbaland oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee caasimadda Pntland

Madaxweynaha Jubbaland oo siweyn loogu soo dhaweeyey Magaalada Garoowe ee caasimadda Pntland
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe ku soo dhaweeyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo wefdi balaaran uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku yimi gudaha Puntland.

Wasiiro, Xildhibaano, Waxgarad, Aqoonyahan, haween iyo dhalinyar iyo masuuliyiin kale ayaa si habsami leh uga qeyb-qaatay soo dhaweynta Madaxweynaha Jubbaland iyo weftigii uu hogaaminayey.

Safarka Axmed Madoobe oo aan horay loo sii shaacin ayaanan la ogeyn waxa uu salka ku hayo iyo inta maalmood oo uu ku sugnaan doono magaalada Garowe.

Socdaalka Axmed Madoobe ayaa kusoo beegmaya xilli maamul aan dustuuri ahayn oo ay ka soo horjeedaan Maamulada Puntland , Jubbaland iyo ahlu suna iyo ximan iyo xeeb  laga dhisay gobolada dhexe 

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarla Calbari
email:Baargaal@gmail.com



 

Developed by Jago Desain