Posts

Madaxweyne Gaas oo gurigiisa ku booqday madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo Jimce ah booqasho ku tegay guriga madaxweynihii hore ee dowladda Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole, booqashada Gaas ee guriga Faroole ayaa ahayd mid salaan iyo tacsi iskugu jirtay.

Faroole ayaa kusoo dhaweeyay gurigiisa ayagoo laabta isasa saaray muddana ku wada sheekeysnayay fadhiga guriga madaxweynihii hore ee Cabdiraxmaan Faroole.

Gaas ayaa kaga tacsiyeey geeridii ku timid xaaskiisi hore ee Faroole taa oo bilooyin ka hor ku geeriyootay magalada Garoowe.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain