Munaasabad Lagu soo dhawaynayay Wafidiga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay soo Agaasinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland oo lagu qabtay hotelka Rugsan ee Magaalada Garoowe

Munaasabad Lagu soo dhawaynayay Wafidiga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay soo Agaasinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland oo lagu qabtay hotelka Rugsan ee Magaalada Garoowe
Munaasabad Lagu soo dhawaynayay Wafidiga Dowlad Goboleedka Jubbaland oo ay soo agaasinta Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland iyo Ururada Haweenka Puntland ayaa habeenkii xalay ahaa lagu qabtay hotelka Rugsan ee Magaalada Garoowe.

Kulankan oo ay kasoo qayb galeen Haweenka Qeybahooda kala gedisan Mas’uuliyiin. qaar kamid ah odeyaasha Dhaqanka puntlanad ayaa intii uu socday waxay warbixino kaga dhagaysteen Wafdi Dowlad Gobaleedka Jubbaland.

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo kulanka furtay ayaa soo dhawayn kadib sheegtay inay aad ugu faraxsantahay inay kulan noocaan oo kale ah ay yeeshaan salaadiinta iyo haweenku oo sida caadada ahba ay tiri waxaa kulmi jiray raga oo kala xog qaadan jiray balse arintani ay tahay mid ugub in salaadiin iyo haween ay isu yimaadaan kalana warqaadaan iyadoo rajo wanaagsan ka muujisay kulankani uguna baaqday salaadiintu inay joogteeyaan kulamada noocaan oo kale ah

Sidoo kale waxa goobta kahadlay Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Amniga Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamed Faarax Warsame (Darwiish) iyo Afayeenka Ismida Jubbbaland Ugaas Cumar Xiiray oo labaduba uga mahadceliyay haweynka marti qaadka aan la ilobi karin ay u sameeyeen iyo iyo gaalinta ay ka qaateen Dhismaha Jubbaland.

Kulankani oo kusoo dhamaaday jawi wanaagsan ayaan wafiga iyo masuuliyiin tii kale ee kasoo qayb galay ay isku afgarteen in la joogteeyo kulamada noocaan ah kulanka kan xigaana lagu qaban doono Magaalada Kismaayo ee Caasimada Jubbaland.


Halkan Ka dhagayso Soo dhawaynta Soo dhawaynta wasiirada ee wafdiga jubbaland



BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:baargaal@gmail.com





Developed by Jago Desain