(Sawiro):Wasiirka wasaarada Haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland iyo Wafdi ay Hogaaminayso oo Kormeer ku tagay qaybo kamid ah Gobolka Mudug

Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowlada Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo wafdi ay hogaaminayso ayaa Kormeer shaqo ku tagay qaybo kamid ah Gobolka Mudug kormeerkaas oo ujeedadiisu ahayd u kuur galida arimaha guud ee haweenka khaasatan caafimaadka hooyada iyo dhalaanka.

Wasiir Anisa iyo Wafdigii la socday ayaa ugu horayn ku hormaray magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug halkaas oo ay kula kulmeen maamulka Gobolka ugana warbixiyeen kormeerkooda shaqo ay ku yimaadeen gobolka.

Wafdiga wasiir anisa ayaa intay magaalada galkacayo joogeen waxay kormeer ku tageen Cisbitaalka Guud ee Gobolka Mudug iyo xaruunta Maata Kal Kaal goobahaas oo ay wasiiradu masuliyiintii joogtay ka dhagaysatay wirbixino ku saabsan hawlaha ay qabtaan iyo baahiyaha caafimaad ee ka jira.




Wafdiga wasaarada ayaa intaasi kadib waxay u gudbeen deegaanada kale ee gobolka mudug ayagoo booqday Deegaanad Goldogob , xarfo iyo Bursaalax deegaanadaas oo ay wasiiradu booqatay xarumaha caafimaad ee ku yaala sida cisbataalka wayn ee Goldogob iyo Mch-ka xarfo.

goobihii ay wasiiradu booqatayna intay kormeerka shaqo ku jirtay waxaa ka mid ahaa Xera Jaale oo ku taal galbeedka Gobolka mudug dadka kunool xera jaale oo si heer sare ah usoo dhaweeyay wasiir anisa ayaa uga waramay wasiirada xaalada nololeed,mida caafimaad iyo waxbarasho ee ka jirta deegaan kaas. Deegaanka oo ay ku nool yihiin bulsho badan ayaan lahayn goob caafimaad dhibaatada ugu weyn ee haysatana ay tahay waqtiga ay haweenku xaalad dhalmo ay ku jiraan loo qaado xaga iyo degmada galdogob. sidoo kale magaalada ayaan lahayn ceel biyood oo ay dadku aad ugu dhiban yihiin biyaha ayagoo ka codsaday dowladu inay u sameeyso ceel biyood iyo goob caafimaad sidoo kale iskuulka deegaanka oo ay hay’adi u dhistay ayaan lahayn wax maclimiin ah.






SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
Email: Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain