Wadahadal Sadex Geesood Ah Oo U Dhexeeya Dowlada Federaalka, Puntlan Iyo Jubaland Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe Iyo Qodobada Laga Wada Hadlayo

Wadahadal Sadex Geesood Ah Oo U Dhexeeya Dowlada Federaalka, Puntlan Iyo Jubaland Oo Maanta Ka Furmaya Garoowe Iyo Qodobada Laga Wada Hadlayo
Kulankan ayaa diirada lagu saari doonaa heshiisyadii horey u dhexmaray Puntland iyo Federaalka oo ay dowlada Puntland sheegtay inay garab martay xukuumada Federaalka. Sidoo kale waxaa looga hadli doonaa xiisada dhawaan ka dhalatay maamul u sameynta gobalada dhexe iyo waliba Mooshinkii Baarlamaanka Federaalka ka keenay Baarlamaanka Juballand.

Puntland iyo Juballand oo iyagu xubno ka ah maamulada ku mideysan dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa xiligan damacsan inay siyaasad mideysan ka yeeshaan siyaasadaha lidiga ku ah ee uga imaanaya dhanka dowlada Federaalka.

Baarlamaanka Puntland ayaa todobaadkan qodobo kasoo saaray wadashaqeynta Puntland iyo xukuumada Federaalka iyadoo loo qabtay dhanka Federaalka in lagu fuliyo heshiisyadii dhexmaray labada dhinac illaa bisha Oktoober ee sanadkan.

Qodobada ugu muhiimsan ee laga hadlayo ayaa waxaa kamid ah:

1- Hirgelin la’aanta heshiisyadii ay horey u saxiixeen Dowlada Federaalka ee xukuumadihii hore Saciid, Cabdiweli iyo CCC Sharmarke.

2- Wax ka bedalida aan lagu heshiin oo ay Dowlada Federaalka ku sameysay Dastuurka KMG ee Federaalka Soomaaliya, qodobaasi oo ay soo hoos galayaan qodobo xasaasi ah oo ay kamid yihiin;

– Burburintii Golaha Federaalka iyo awood maroorsiga Golaha Shacabka ee hada jira

– Meeqaamka Caasimada Soomaaliya
– Dhismaha maamulada gobalada ee ku qeexan dastuurka, sida labo gobal iyo ka badan
– Wada tashigii laga sameyn lahaa Guddiyada Qaran ee Federaalka sida ku xusan Dastuurka maamulada jira in lagala tashto oo meesha ka baxday

3- Deeqda Soomaaliya la siiyo (Dhaqale & Militari) oo ay maamulada ku eedeenayaan inaysan Muqdisho Soo dhaafin.

Qodobadan iyo kale oo badan ayaa kamid ah arrimaha wadahadalkan looga hadli doono.

Balse wahadalka ayaa laga dayrinayaa maadaama Puntland iyo Juballand ay ka aamin baxeen dowlada Federaalka oo horey heshiisyo badan u saxiixday kuwaasi oo aan la fulin, mana cada in qorshe cad oo uu Raysalwasaaraha Soomaaliya uu kala yimid Muqdisho oo aan ka ahayn dhageysiga cabashooyinka ka imaanya maamulada Federaalka.

Raysalwasaare Cumar ayaa kahor intuusan imaan xalay Garowe soomaray magaalada Cadaado oo uu shalay gelinkii danbe kula shiray hogaanka maamulka cusub ee Galmudug, waxaana la sheegay inay ka wadahadleen dastuurka Galmudug ee uu maamulkaasi ku sheegtay dhul kamid ah deegaanada Puntland.

Walow xiisada siyaasadeed ee u dhaxeeya Puntland iyo Federaalka ay ka weyn tahay Galmudug balse salka ku heyso dhamaan heshiisyadii hore ee labada dhinac dhexmaray oo aan la fulin

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain