WARMURTIYEED: Kullankii Dhexmaray Dawladda Federaalka Soomaaliya , Dawladda Puntland Iyo Maamul Goboleedka Jubbaland.

Horudhac

Waxaa booqasho qaadatay 11 ilaa 19 julay 2015 ku yimid magaalada Garoowe ee caasimadda Dawladda Puntland wufuud ay kala hogaaminayeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Madaxweynaha Dawladd Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, kullan wadatashi oo ay wada qaateen iyaga iyo dawladda Puntland ayaa waxaa kasoo baxay qodobada soo socda.

  1. Dastuurka Federaalka Soomaaliya



Waxay isku raaceen Raysulwasaaraaha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda Dawladaha Puntland iyo Jubbaland in la ilaaliyo Dastuurka Dawladda Federaalka iyo hanaanka Federaalka Soomaaliya, islamarkaana wax-kasta oo la qabanayo ama lasamaynayo loo maro sida uu qabo Dastuurka Federaalka Soomaaliya.

  1. Midnimada Umadda Soomaaliyeed



Waxay sidookale Madaxdu isku raaceen ilaalinta midnimada umadda Soomaaliyeed iyo in la adkeeyo amniga guud ee dalka meelna looga soo wada-jeesto cidkasta oo wax u dhimaysa nabad-gelyada dadka iyo dalka Soomaaliyeed.

  1. Xiriirka Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Dawladaha Xubnaha ka ah Federaalka



Waxay labada maamul ee Puntland iyo Jubbaland u gudbiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya argtidooda ku aadan dhamaystirka dhismaha dawladd Federaal ah ee Soomaaliyeed oo waafaqsan Dastuurkii lagu hashiiyey , waxayna soo jeediyeen in la xoojiyo wada-tashiga iyo xiriirka wada-shaqeyneed ee ka dhaxeeya Dawladda Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

  1. Dib u heshiisiinta Umadda Soomaaliyeed



Waxay ku baaqeen Raysal-wasaaraha Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxda Puntland iyo Jubbaland in la fidiyo gogol dib-u-hashiisiineed oo loo samaynayo bulshada Soomaaliyeed si loo gaaro is-afgarad iyo xal waara.

DHAMMAAD

Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.
Developed by Jago Desain