Wasaarada Haweenka Puntland oo soo gabagabaysay Kulan looga hadlaayay ka qaybgalka haweenka ee Golayaasha Deegaanka (Sawirro + Cod)

Waxaa maanta lagu soo gaba gabeeyay Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland kulan lagu dhiirigalinaayo kamid noqoshada Haweenka ee Goloyaasha Deegaanka.

kulankan soconayay mudo labo maalmood aha ayaa waxaa loo qabtay 40 rag ah oo ka kala yimid dhamaan gobolada Puntland kana shaqeeya hay’adaha maxaliga ah iyo kuwa caalimiga ah iyo weliba qaar kamid ah masuuliyiinta xilal kala gedisan u haya dowlada iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.
Tababarkani oo ahaa mid kii ugu horeeyay ee noociisa ah ay wasaaradu qabato intii la aasaasay ayaa intii uu socday waxaa laysku weedaarsaday afkaar kala gedisan ayadoo dhamaadkii kulanka laga soo saaray baaq ka gooban 11 qodob.
Maxamed Yuusuf Cali Gudoomiyaha xafiiska madaxa banaan ee Difaacaha Xuquuqul Insaanka Puntland oo ugu horeyn ka hadlay madasha ayaa sheegay inay ay lagama maarmaan tahay in haweenku ay helaan xuquuqdii uu Allah siiyay lagana qayb geliyo goloyaasha deegaanka iyo xukuumada inteeda kalaba.
Sidoo kale Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka Puntland, Marwo Anisa C/qaadir Xaaji Muumin oo gabagabadii shirka khudbad dheer oo dhinacya badan taabanaysay ka jeedisay madasha ayaa ka hadashay ka qaybqaadashada haweenka horumarka dalka, kamid noqoshada Goloyaasha heer Deegaan,Xukuumad iyo Heer baarlamaan
Wasiir Anisa waxa ay Baaq u soo jeedisay dhamaan haweenka Soomaaliyeed khaasatan Kuwa Puntland iyadoo ugu baaqday in ay alle subxaanahu watacaalaa ay u soo laabtaan danbi dhaafna ay weydiistaan ka hor inta aynaan siyaasadba galin ay dumarku ducaystaan, isna weydiiyaan mid mid iyo koox kooxba maxaa inaga qaldan?
Wasiir Anisa oo sii wadata hadalkeeda ayaa tiri  
Hadaan qabsano diinteena kuna dhaqano wax walbo xag Allah ayay ka hagaagayaan xaqa uu Allah ina siiyayna waanu helaynaa inaga oo ku raadsanayno Kutubka quraanka iyo Sunadii Nabigeena Salawaatu Allahi Wasalaamuhu Calayhi iskana ilaalinayna in Xuquuq aan Dhaqan iyo Diin  aan u lahayn oo ay dad yow kale ay inoo meeriyaan
Raga ayay wasiiradu ugu baaqday sidoo kale inay haweenka ku taageeraan Xaq iyo Xuquuq walboo uu alle uu siiyay hadii aanay taasi dhicin ay noqon doonto in dadyow kale oo aanan doonayn wanaaga gabadha muslimada ah inay u yeeriyaan khuraafaad iyo xuquuqo aan jirin.

Dhagayso Khudbadii wasiirada 

BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com


HOOS KA DAAWO SAWIRADA KULANKA IYO TABABARKA 




 

Developed by Jago Desain