Wasaaradda Haweenka Puntland Oo Qalab Xafiis Ku Wareejisay Xafiiska Xeer Ilaalinta Gobolka Gardafuu (SAWIRO)

Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa Maanta oo ay taariikhdu tahay 12 July 2015 waxa ay ay qalab xafiis ku wareejisay Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Gardafuu oo dhawaan la hirgaliyay.

Qalabkaas oo isagu jiray Computer Miis iyo kuraas si loogu qalabeeyo looguna shaqeeyo garsoorka gobolkaasi

qalabkan maanta ay Wasaaradda Haweenka ku wareejisay Xafiiska Xeer ilaalinta ayaa waxaa Gudoomay Xeer ilaaliyaha Gobolka Guardafu Mudane Cabdi Casiis Xuseen Bile.

Xafiiska Xeer ilaalinta Gobolka Garfaduu ayaa Dhawaan laga hirgeliyo gobolka iyadoo aysan Horay uga jirin Deegaanka Hay’ad garsoor oo heer gobol ah.

Madaxweynaha Dawlada Puntland Prof. Cabdi wali Maxamed Cali Gaas ayaa Wareegto Madaxwayne u soo magacaabay Xeer ilaaliyaha Gobolka Guardafu Mudane Cabdi Casiis Xuseen Bile oo ah aqoonyahan Dhalinyaro ah Bishii May ee sanadkan aan ku jirno

Daawo Sawirada








SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain