Posts

Wasaaradda waxbarashada Puntland oo maanta ufariisanaysa sixitaanka imtixaanka shahaadiga dugsiga dhexe

Wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare dowladda Puntland ayaa maanta oo taariikhdu tahay 25 july u fariisanaya sixitaanka imtixaankii shahaadiga ahaa ee dugsiyada dhexe ee Puntland.

Sixitaanka imtixaanka oo uu dib u dhac ku yimid sanadka ayaa maanta lagu wadaa in macalimiin ka socota gobolada Puntland ufariistaan sixidiisa oo qaadan doonta dhowr asbuuc.

800 arday oo ka socday fasalka 8-aad ee dugsiyada dhexe ee puntland ayaa sugaya natiijada imtixaanka shahaadiga si ay u ogaadaan inay u gudbeen dugsiyada sare ee Puntland iyo inay ku dhaceen imtixaanka.

Wasaaradda waxbarashada Puntland ayaa sheegtay inay sanadkaan filayso inuu hoos u dhac ku yimaado ardayda ku dhacda imtixaanada shahaadiga ah sida sanadihii hore.

Sanad dugsiyeedkan ilaa 40 arday oo kaliya oo ka socotay dugsiyada sare ee Puntland ayaa ku dhacday imtixaanka.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha horumarka Deegaanada Calbari
Email. Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain