Xaafada Hilaac Baargaal oo wareegii 2aad ee barnaamaka aqoonta kadiska SBC usoo baxday

Xaafada Hilaac Baargaal oo sanadka  markii ugu horaysay  matalaysa Xaafadaha Magaalada Baargaal ayaa Caaway markii sadexeed  soo bandhigtay wacdaro aqooneed Aqoonta Kadiska SBC ee Bisha Ramadaan ayadoo caaway ka badisay xaafada Hanti wadaag oo kamid ah xaafadaha matalaya Caasimada Puntland ee Garowe.

Labadan Xaafadood ee Hilaac Baargaal iyo Hanti wadaag Garowe ayaa waxaa dhexmaray tartan aqooneed la isku weydiinayay 12 su'aalood waxyna midiiba laheyd 6 islamarkaana u qabsaneysay qaab lambar dorasho ah.

Gudiga Tartanka iyo labada xaafadood ayaa u guda galay Barnaamijka waxaana muuqatay xamasada iyo dadaalka xaafad kasta ay ku dooneysay in ay guushu ku raacdo.

Wuxuu kulanka socdaba waxaa ugu dambeyntii uu ku soo gaba gaboobay Xaafada Hilaac Baargaal oo la timid 8 Dhibic halka xaafada kale ee Hanti-wadaag garowe ay la timid 6 dhibcood  guushiina ku raacday Xaafada Hilaac Baargaal oo kamid noqotay xaafadaha sanadka ka qaybgalaaya tartanka ee usoo gudubta wareega 2-aad ee barnaamajka Tartan aqooneedka kediska bisha ramaadaan ee laga daadihiyo warbaahinta SBC.

Kediska ramadaanka SBC waa Barnaamij sanadkasta xiliga bisha ramadaan lagu tartan siiyo xaafadaha ka kala dhisan magaalooyinka iyo deegaanada Puntland, waxaana sanadkan ka qeyb galaya 24 xaafadood .

Maamulka iyo shaqaalaha Shabakada Baargaal.net waxay aad iyo aad ugu hanbalyaynaynaa dhalinyarada Xaafada Hilaac Baargaal,

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain