Beeldaajaha Calbari Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje yaasiin oo maanta si wayn loogu soo dhaweeyay Magaalada Baargaal (Sawiro)

Beeldaajaha calbari Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje yaasiin oo wali wada safaradii uu ku kormeerayay Degaanada Calbari iyo Gobolka Gardafuu ayaa maanta si farxad iyo rayn rayn ku jirto loogu soo dhaweeyay magaalada Baargaal ee Gobolka Gardafuu.

Beeldaajaha iyo wafdigiisa oo saakay soo gaaray magaalada ayaa waxaa halkaaas si wayn ugu soo dhaweeyay masuuliyiinta ugu saraysa Maamulka Degmada oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed yuusuf, odaayasha dhaqanka , ururada bulshada iyo Dadwayne aad u farabadan oo uga hortagay Beeldaajaha iyo wafdigiisa meel ka baxsan magaalada ayagoo ruxaya Caleemo qoyan.

Xoghayaha Degmada Baargaal siciid cawil Dhuxul oo kamid ahaa masuuliyintii wax ka soo dhaweyay beeldaajaha oo ugu horayn hadlay ayaa sheegay inay si kal iyo laab ah ugu soo dhawaynaayaan Beeldaajaha Guud ahaan Gobolka gaar ahaana Degmada Baargaal oo uu maantay soo gaaray.

Beeldaajaha Calbari Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje yaasiin ayaa ka soo degay gaarigii uu saarnaa asagoo lug ku soo dhex maray gudaha magaalada Baargaal oo uu khudbad gaaban ugu jeediyay dadwaynihii halkaasi ku soo dhaweeyay asagoo ugu horayn u mahad celiyay maamulka Degmada, waxgardka, ururada dhalinyarada , hooyooyinka iyo shacabka Baargaal sida sharafta leh ay ugu soo dhaweeyeen asagoo u duceeyay sheegayna inay iswaraysan doonaan.

Beeldaajaha Calbari Beeldaaje ismaaciil Beeldaaje yaasiin iyo wafdigiisa ayaa intay magaalada Baargaal soo gaarin waxay soo mareen Deegaanada Qoraxaad , Muudiye , taageer iyo waadi khayr iyadoo uu beeldaajuhu shirar iyo iswaraysi la soo yeeshay odayaasha iyo waxgardka Deegaanadaas.




SHABAKADA BAARGAAL.NET
Developed by Jago Desain