Posts

Dhagayso: Baaritaan lagu sameynayo maydad Somali ah oo Yaman laga helay

Magaalada Sanca ee dalka Yaman waxaa laga helay qoys Soomaali ah oo ku dhintay gurigooda.

Hooyada iyo aabaha ayaa la helay ayagoo Mayd ah, laba gabdhood oo ay dhalleenna waxaa lagu daaweynayaa Cisbitaal ku yallla Sanca.

Waxaa hadda baaritaan lagu sameynayaa Maydka hooyada iyo Aabaha si loo ogaado waxa sababay dhimashada , Xeer ilaaliyaha dowladda yaman ayaa waxa uu amray in dhaqaatiir ay baaraan arrintan.

Cusman Axmed Maxamed oo ah qunsulka Soomaaliya ee Sanca ayaa uga warramay BBC Laanta afsoomaaliga baaritaankaas.

Halkan hoose ka dhagayso


BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain