Posts

Faah faahin ku saabsan Shirka Wadatashiga Beelaha Puntland iyo wajiyada kala duwan uu yeelan doono.


Siciid Faarax Yare afhayeenka shirka wada tashiga beelaha kala duwan ee Puntland ayaa faah faahin ka bixiyay wajiyo kala duwan oo uu yeelan doono shirkaas , xiliyada la qabanayo iyo inta wafuud oo shirkasta ka qeyb galaysa.

Afhayeen Siciid Faarax ayaa sheegay in shirkan uu yeelan doono 4 waji, shirka koobaadna uu ka dhici doono Magaalada Gaalkacyo, waxaana uu furmayaa 25ka bishan waxaana uu socon doonaa 4 maalmood, iyadoo ay ka qeyb gali doonaan 200 oo ergey.

Wajiga labaad ayaa waxa uu ka dhici doonaa magaalada Qardho xarunta gobolka Karkaar, kaas oo fumi doona 5ta bisha sgagaalaad waxaana ka qeyb gali doona 60 isin oo ka mid ah isimada ugu waaweyn Puntland.

Wajiga Sedaxaad ayaa isna ka dhacaya magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland kaas oo furmaya isla bisha 9 aad, waxaana ka qaybgeli doona qurba joogta kasoo jeeda gobolada Puntland kuwaas oo dhan 30 xubnood.

Isla garowe ayuu ka dhici doonaa wajiga 4aad kaas oo ay ka qeyb gali doonaan 100 xubnood waxaana lagu soo saari doona go'aanada kama dambeysta ah ee wada tashiyadaas.

Waxaa haatan soconaya qaban qaabada shirka ugu horeeya ee ka dhici doona magaalada Gaalkacyo, iyadoo gobolada kala duwan ee Puntland ay ka kicitimayaan waxgarad, Odayaal iyo isimo kala duwan, kuwaas oo u amba baxaya ka qeyb galka shirkaas.

BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain