Posts

Guddiga doorashada Dawlad Goboleedka Jubbaland oo shaaciyey Magacyada musharixiinta

Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa shaaciyey magacyada 4 musharax oo iyagu isu soo taagay xilka madaxtinimo ee Jubbaland, taasi oo doorashada ay dhici doonto 15-ka bishan Agoosto, 2015.

Xabiibo Maxamed Cabdulle oo ah guddoomiyaha guddiga oo saxaafadda kula hadashay madaxtooyada Kismaayo, halkaasi oo ay xaadir ku ahaayeen musharixiinta ayaa waxa ay sheegtey in ay xirantay soo gudbintii araajida musharixiinta, islamarkaasina ay meelmariyeen 4 musharax. "Kuwani waa musharixiinta buuxiyey shuruudihii loogu talogalay, iyaga ayaana ku tartami doona xilka madaxtinimo" ayay tiri Xabiibo oo ku magac dheer Qureesho.

Musharixiinta ayaa kala ah
1. Axmed Maxamed Islaam.
2. Hiloowle Aadan Maxamed
3.Cusmaan xuseen xaaji
4. Maxamed cusmaan Yuusuf.

Musharixiinta ayaa mid mid loo guddoonsiiyey shahaadooyinkooda ay ku tartamayaan, taasi oo uu guddiga bixiyey

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Calbari
Email: baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain