Posts

Magefe oo Xafiis ka furtay Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya

Dhacdo Ugub ayey noqotay wararka sheegayo in Xafiis la shaqeeya Ninka Liibiyaanka ee lagu naanayso Ma-gafe ee afduubka, jirdilka iyo lacag madax-furashadda ka qaata Tahriibayaasha Soomaaalida ee ku sugan Libya laga furay magaalladda Muqdisho.

Radio Dalsan oo dabagal dheer ku sameeyey Xafiiskaasi ayaa waxaa loo caddeeyey inay mukhalasiinta la shaqeysa Ma-gefe ay Tahriibayaasha ka qaadaan qofkiiba lacag dhan 5,100 Dollar, si ay uga nabad galaan Afduubka Me-gefe.

Ismaaciil Abdikarim Osman oo ka mid ah Tahriibayaasha haatan u ambabaxaya Libya ayaa Radio Dalsan u xaqiijiyey inuu bixiyey lacag dhan 5,100 Dollar, isla markaana ay Mukhalasiinta Xafiiska la shaqeeya Ma-gefe ballan-qaadeen inuusan dhibaateyn doonin marka uu gaaro xuduudka Libya. Sidoo kale, cisman Mayow Faarax oo isagana ay Mukhalasiinta u kaxayn doonaan Libyaa ayaa qiray inuu bixiyay kumanaan Dollar, si uu uga nabad galo Afduubka ma-gafaha Liibiya.

Hooyo Soomaaliyeed oo codsatay inaan Warbaahinta magaceeda loo adeegsanin ayaa Radio Dalsan u sheegtay in ay Wiil dhashay u ambabixiyeen Xafiiska Wakiilka u ah Ma-gefe. Waxay intaasi ku dartay inuu Rabbi u sakhiray wiilkeeda safarka, isla markaana uu haatan ku sugan caasimadda dalka Britain ee London.

Si kastaba ha ahaatee, Xafiisyadda Mukhalasiinta u ah Ma-gefe ayaa la sheegay inay ku kala yaallaan agagaarka Tree Biyaaano, Suuqa Bakaaraha iyo Suuq Bacaad.

Waxaa beryahan sii kordhaya Tahriibayaasha u safrayo Libya, kadib, markii ay Xafiisyadda wakiilka u ah Ma-gefe u ballan-qaadee n inuusan Ninkaasi afduubaan doonin.

Xafiisyadda Ma-gefe ee Muqdisho waxaa la sheegay inay xiriir leeyihiin Mukhalasiin Suudaani ah oo wakiil guud u ah Ma-gefe, kuwaasi oo u gudbiya magacyadda dadka Tahriibayaasha ee Lacagaha Safarka iyo tan Madax-furashadda looga qaadayo magaalladda Muqdishu.
Developed by Jago Desain