Posts

Markab Kalluumeysi oo iiraan ay leedahay oo ka baxsaday gacanta Soomaalidii heysatay

Markab kaluumeysi oo laga leeyahay Dalka iraan iyo Shaqaalihii saarnaa ayaa ka baxsaday afduub ay u heysteen Kaluumeysato Soomaali ah sida ay xaqiijiyeen khuburo qaabilsan badaha iyo burcad badeedda Maanta oo Jimco ah.

Ma cadda weli tirada shaqaalaha saarnaa markabka ee baxsaday hase ahaatee AlJaabir oo ah Magaca markabka kaluumeysi ee iiraan laga leeyahay ayaa la aaminsan yahay inay saarnaayeen shaqaale gaaraya illaa 19 badmaax.

Kaluumeystada Maxaliga ah ayaa ku eedeysay Markabkan iiraan laga leeyahay inuu biyaha Soomaaliya ka fulinayay howlgalo kaluumeysi oo sharci darro ah.

Markabkan laga leeyahay dalka Iiraan ayaa waxaa la heystay muddo 5 bilood ah.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain