Sawiro : Wasiirka Wasaarada haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland Anisa C/qaadir xaaji muumin oo Booqatay Degmooyin Ka tirsan Gobolka Sool


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Haweenka iyo Arimaha Qoyska Dowlada Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin iyo xubno katirsan Wasaarada ayaa kormeer shaqo ku tagay qaybo kamid ah Gobolka Sool.

Ugu horeyn wasiir Anisa iyo wafdigeeda ayaa booqday xarunta haweenka degmada boocame halkaas oo shirar kula yeesheen haweenka,Odeyaasha Dhaqanka iyo masuuliyiinta Degmada iyagoo looga warbixiyay xaalada guud ee degmada khaasatan caafimaad-ka waxbarashada iyo nabadgelyada iyadoo halkaasi wasiiradu warbixino ka dhagaystay haweenka degmada boocame.

Wasiirka iyo Masuuliyiintii la socotay ayaa socod ku tagay xarunta waxbarashad degmada taasoo isagu jirta qayb waxbarashada aasaasiga ah mida dadban iyo farsamada gacanta

ugu danbayn wafdigii wasiir anisa ayaa booqday Xarunta Hooyada iyo Dhalaanka halkaas oo ay warbixino uga dhagaysteen maamulka xarunta iyo shaqaalaha oo si volunteer ah ugu adeega bulshada reer boocame





Wafdiga ay hogaaminaysay wasiir Anisa ayaa boocame uga ambabaxay dhanka Degmada Tukaraq ee gobolka sool halkaas oo ay wasiiradu kula kulantay haweenka deegaanka odeyaasha dhaqanka Maclimiinta dugsiga hoose dhexe ee tukaraq oo aan lahayn qayb dugsi sare ah halka fasalka 1aad ee dugsigaasna uu yahay mid ka samaysan tiirar ay dadka deegaanku ay dhisteen sidoo kale xarunta hooyada iyo dhalaanka degmada ayaa ah mid u baahan kaalmo deg deg ah oo ay qalabka iyo dhismuhuba aan macquul ahayn in lagu shaqeeyo.

sidoo kale waxay wasiiradu booqatay xerada barakacayaasha oo xaalad nololeed oo adagi ay ka jirto ayna ku nool yihiin qoysas tiradoodu dhantahay 300 qoys oo aan heysan wax daryeel ah.





waa markii ugu horeeysay wasiirka wasaarada horumarinta haweenka iyo arimaha qoyska puntland ay safar ku tagto deegaano hoostaga gobolka Sool intii xilka loo magacaabay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka Deegaanada Calbari
Developed by Jago Desain