Posts

Wafdi ka socda Dawlad goboleedka Jubbaland oo ku fool leh magaalada Muqdisho iyo Axmed Madoobe oo ka hadlay socdaalkooda

Wararka aanu ka helayno magaalada Kismaayo ee xarunta dawlad goboleedka jubaland ayaa waxay sheegayaan in maamulka Jubbaland uu dhawaan wafdi u diri doono magaalada Muqdisho, kuwaas oo u tagaya Muqdisho sidii ay wadahadalo ula yeelan lahaayeen madaxda dowladda Soomaaliya.

Axmed Madoobe oo ka hadlay wafdiga ay u dirayaan Muqdisho ayaa sheegay in xubnaha matalaya maamulka Jubbaland ay noqon doonan guddi ka kooban shan xubnood, kuwaas oo dhamaantod ah wasiiro ka tirsan maamulkiisa, wuxuuna yiri

"Si dhaqso ah waxaa u tagaya Muqdisho guddi wasiiro ah oo ka kooban shan xubnood, kuwaas oo wadahadalo la qaadanaya madaxda dowladda Soomaaliya".

Wuxuu ku sheegay Axmed Madoobe wadahadalada u furmaya dowladda faderaalka iyo maamulkiisu in laga doonayo sidii lugu soo celin lahaa xiriirka ka wadda dhaxeeya labada dhinac, isagoo yiri "Waxaa lugu doonayaa wada-xaajoodka soo celinta kalsoonida Jubbaland ee dhanka dowladda faderaalka Soomaaliya oo mugdi galay"

SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA CALBARI
EMAIL:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain