Deg deg: Cumar Cabdullahi Faroole oo loo magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Nugaal

Madaxweynaha Dawlada Puntland C/wali maxamed cali Gaas ayaa maanta magacaabay gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, oo badalaya gudoomiyihii hore ee gobolka.

Cumar C/laahi Faroole, ayaa madaxweyne Gaas wuxuu ka dhigay gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay madaxtooyada Puntland.

Sidoo kale madaxwayne C/welli Maxamed Cali Gaas, ayaa ku xigeenka gobolka Nugaal u magacaabay Qaasim Maxamed Cabdi , kaasi oo ahaa xoghayaha dowlada hoose ee Garowe.

Cumar Faraweyne ayaa horay uso noqday taliyaha madaxtooyada Puntland, wuxuuna iminka ahaa taliyaha ciidamada aaga Sool iyo Nugaal.

Gudoomiyaha cusub ee gobolka Nugaal ayaa xilka kala wareegi doona gudoomiyihii gobolkaasi c/laahi Ciise aw axmad oo 8 bil oo kaliya xilka gudoomiyaha hayay.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain