DHAGEYSO: Gudoomiyaha Degmada Baargaal ”Ciidamo Ka Socda Gobolka Karkaar Cashuur Kama Qaadi karaan Degmada Baargaal Oo ka Mid ah Gobolka Gardafuu”

Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed Yuusuf ayaa Ka hadlay Xaalada dagmada Baargaal iyo waliba Xiisad kataagan degmada Taas oo laxiriirta canshuuraha dagmada iyo faragalin lagusameeyay Maamulkiisa.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in halkaasi wasaarada Maaliyadu ay udirtay Ciidamo Birmad ah oo ka socda Gobolka karkaar, waxaana uu intaasi ku daray gudoomiyahu in dagmada Baargaal ay katirsantahay Gobolka Gardafuul ayna suurtagal ahayn in canshuur ay ka qaadaan Ciidamo ka socda gobolka karkaar.

Gudoomiyaha ayaa ugu danbeen waxa uu codsi udiray Madaxweynaha Dowlada Puntlaand Cabdiwali Maxamed Cali Gaas in uu arintaasi wax ka qabto Maadama ay tahay Faragalin Qaawan oo Gobolka lagusameeyay isagoo intaas kudaray in arintan ay ku wargaliyeen Wasaaradaha ay khusayso ayna ilaa haatan ka helin wax jawaab ah.

Halkan Hoose Ka Dhageyso codka Gudoomiyaha


Mobilkaaga ka Dhagayso waraysiga

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain