Dugsiga Sare ee Maxamed xuseen ee Degmada Baargaal oo sanadkiisii afaard galay laguna soo Kordhiyayay qayb Lagu Barto Kumbuyuutarka.

Dugsiga Sare ee Maxamed xuseen ee Degmada Baargaal oo sanadkiisii afaard galay laguna soo Kordhiyayay qayb Lagu Barto Kumbuyuutarka.
Dugsiga Sare ee Maxamed Xuseen Ee Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu ayaa sanadka glay Sanad Dugsiyeedkiisii Afaraad iyadoo sanadka lagu soo kordhiyay qaybta Barashada Technology-yada casriga ah ee Computerka.

Iskuulka Ayaa sanadka Leh Hall loo adeegsado Barashada Cilmiga Computerka  ( Computer Lab) dhismahaasi oo ay Hirgalisay Hay'ada Care oo kala shaqaysa Horumarinta Waxbarashada Wasaarada Waxbarashada Puntland ayadoo sidoo kale qalabaysay.

Maamulha Dugsiga sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal Maxamuud Muumin Aw aadan muumin ( Macalin Muumin) ayaa ugu Horayn u mahad celiyay Hay'ada Care iyo wasaarada Waxbarashada Puntland asagoo sheegay in shaqadii Qaybta computerku  bilaabitay oo gashay time table - ka iskuulka 

Maamulaha Iskuulka sare ee Maxamed Xuseen Macallin Muumin Ayaa sidoo kale sheegay in qaybtan lagu soo kordhiyay  lagu kobcinayo aqoonta kombuutarka maxaa yeelay waqtiga casriga ah waxaa la yiraahdaa ninkaan aqoon Kombuuutarka inuu yahay nin jaahil ah sida waagii hore loo oran jiray ninkaan waxna akhrin waxna qorin waa jaahil hada waxaa ku darsamay oo sadex ku noqday ninkaan aqoon kombuutarka maxaa yeelay waxuu sahlaayaa Xiriirka Dunida iyo xog hilida aduunka oo idil.

Halkan Hoose Ka Daawo Sawiro Laga soo qaaday qolka ( Computer labka ) ayagoo ardaydii ku mashquulsanyihiin Barashada Computerka iyo sawiro kale oo laga soo qaaday iskoolka sare ee Maxamed Xuseen ee Degmada Baargaal oo xisadihii waxbarashadu ka socdaan










SHABAKADA BAARGAAL.NET
ISHA WARARKA HORUMARKA DEEGAANADA CALBARI

Email:Baargaal@gmail.com 
Developed by Jago Desain