Faallo: Doorashada Duqa Boosaaso, Musharaxiinta ugu Cadcad qabashada xilka iyo Faragalinta xukuumada C/wali Gaas


Xilli ay muddo saacado ah ka harsan tahay waqtiga ay dhici doonto doorashada Duqa Magaalada Boosaaso ee xarunta dhaqaalaha puntland, ayaa waxaa si weyn magaalada Boosaaso iyo dhammaan gobollada puntland laga dareemaayaa ololaha ay wadaan musharraxiinta u taagan xilka Duqa magaalada Boosaaso.

Musharaxiinta u taagan qabashada xilka Duqa magaalada Boosaaso ayaa ku jira tartan adag oo ay ku doonayaan in ay ku soo jiitaan Xildhibaanada golaha deegaanka ee magaalada Boosaaso oo saacadaha soo socda lagu dhaarin doono Xarunta degmada.

Raga doonaya in ay u tartamaan Hogaaminta magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland ayaa hada bilaabay kulamo hoose oo ay Xildhibaanada cusub la qaadanayaan, kana codsanayaan in ay codkooda siiyaan.

Labada Musharax ee ugu cad-cad Tartanka ayaa kala ah Cumar Sidiiq oo la aaminsanyahay inuu taageero ka haysto Wasiirka Maaliyada puntland iyo xukuumada C/wali Gaas iyo Yaasiin Mire Maxamuud oo ay xilkaas beeshiisu awood qaybsiga ku leedahay xilalka Gobolka bari.

Wax yaabaha la isku haysto waxaa ka mid ah in la musuqmaasuqay xubnaha ay beelahu soo xusheen golaha cusub.

Sannadka doorashada Guduumiyaha Golaha Deegaanka Ahna Duqa Magaalada Boosaaso ayaa leh xiisaha gaar ah iyadoo ay magaalada laga hirgalinayo mashaariic waaweyn oo dhanka horumarka ah sida Garoon Caalami ah iyo Dekad Caalami ah ayna tahay howsha laga sugaayo maamulka cusub mid balaaran.


Shabakada Baargaal.net ayaa saadaalinaysa inuu ku guulaysanaayo Doorashada Duqa Magaalada Boosaaso ee Bari dhici doonta ENG Yaasiin Mire Maxamuud Dacar.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain