GABAY KA HADLAAYA QIIMAHA WEYN EE AY HOOYADU LEEDAHAY IYO QOFKII CAASI KU NOQDA DHIBAATADA UU LA KULMAYO

GABAY KA HADLAAYA QIIMAHA WEYN EE AY HOOYADU LEEDAHAY IYO QOFKII CAASI KU NOQDA DHIBAATADA UU LA KULMAYO


GABAYGAN WUXUU SOO BAXAY 22/8/12, WUXUUNA KA HADLAYAA QIIMAHA WEYN EE AY HOOYADU LEEDAHAY IYO QOFKII CAASI KU NOQDA DHIBAATADA UU LA KULMAYO, ISAGAAD KA DHEX HELAYSAAN WIXII FAAH-FAAHIN AH.


  1. Abaqaalki koobaad markii, aadan laga beermay 
  2. Udubkii labaad wuxuu ahaa, xaawo unugeede 
  3. Abuurkeeda hoobada rabbigay, kamaastaysiine 
  4. baa layiri feedha bidix, aadan laga jeexye 
  5. Xigmad eebbe weeyoo kalgacal, laga arkaayaaye 
  6. Aqalkii bilow aadanaha, unuggi weeyaane 
  7. Ubad faraxle eebahay ka beer. urur mataanaaye 
  8. Si uu taranku u ebyoomo oo, loo aflaxo waasac Is 
  9. dhaafsadaa layiri inamihii, farax arooseede 
10. Arrimihii ka xaasilay nafluhu, wuu ogsoon yahaye
11. Hayeeshee ujeedkaygu waa, hooyo eraygeede
12. Aan asteeyo aqoon gaabniday, maan idlayn karo e
13. Afku kama qisoon karo inuu, sheego amarkeede
14. Axwaalkeeda quraankaa akmilay, aynigay tahaye
15. Addimadeeday hoos taal jannadii, udugga weynayde
16. Addeeceeda iyo kii allaa, lays ag dhigayaaye
17. Saddex darajo aabaha ka weyn, waanad aragtaane
18. Koomkaan allihi uumaybaa, aayadaa yiriye
19. Rasuulkuna ishaarada ku sheeg, aynigay tahaye (SCW)
20. Eedaadka dhibkay soo martiyo, urugadii taaha
21. Wallacay rafaad uurka guba, la anfariirtaaye
22. Ubucday ku qaaddaa sagaal, bilo ayaameede
23. Fooshii inkaarnayd wadkay, iil qarkii tagiye
24. Sakaraadkay aragtaa xanuun, la alwanaysaaye
25. Miyirkiyo xiskeedaa ambada, arami kaarkiiye
26. Markii eebbe kala keeno oy, oohintaa maqasho
27. Farxad aan idlaanbay kalgacal, kugu iqbaashaaye
28. Ibtilooyinkay soo martay, wada illowdaaye
29. Ibihiyo waxay kuu dhigtaa, naas irmaan jaqide
30. Markaad oydo kuma eegatee, aamus bay dhihiye
31. Araxdoy ku saartiyo heesahay, kugu ammaantaaye
32. Qosalkaagu goortuu u baxay, oogsataa faraxe
33. Musqul oogadeedaa kuu ah iyo, tuuji aaburane
34. Matagaaga kama aafatee, aastay dhaqidiiye
35. Afkeeday ku dhuuqdaa sankoo, cabbur ku awdaaye
36. Nafteedoo asqawday adiga, uurka kuu miliye
37. Adoon dhereg afkaa iman ogow, oontu waw dacare
38. Ambaqaadka socodkii kolkaad, aayar hidinayso
39. Istaagaaga keliyawga wacan, uunka oo idile
40. Af bilowga erayada gurracan, oraah caruureedka
41. Iyadoo quraa garan kartoo, eebbahay baraye
42. Itaal yarida tabartii markaad, hooyo u adeegto
43. Il raxmaad ayay kugu daydaa, kugu iqbaashaaye
44. Farax uurka buuxshana qalbigay, kuugu ebidaaye
45. Adigay adduunayada dhammaan, siisan araggaaye
46. Ilwaad iyo udgoon baad u tahay, aayatiin jira e
47. Jirro haddaad ildaran tahay xanuun, oogadiyo jiirka
48. Alwadkaaga taahawga daran, iil in loo qodo e
49. Indheheedu jiifkamabogtaan, uurku waa gubane
50. Haddii ay awoodana naftay, kuu ergi lahaye
51. Arwaaxeeda noloshiyo farxadu, adiga weeyaane
52. Calooshaaday eegtaa niyaday, kaa afgarataaye
53. Cunto inaad rabtiyo oonka, way kala ogaataaye
54. Hadaaqaaga iyadaa taqaan, eray bilowgaa e
55. Axad kale magaran karo qofaan, shayna oranayne
56. Hooyaduse waa ababiyaha, koonka oo idile
57. Waa axadka kaliyeen raxmadi, ka ag dhamaanayne
58. Waa hoyga noloshee farxadi, ka ambaqaaddaaye
59. Waa awr hayina iyo sariir, aad ku gama’daaye
60. Waa tiirka aadmigu cuskado, udub dhexaadkiiye
61. Albaabada jannada laga galiyo, waa rug aaminehe
62. Aayaad iyo axaadiis wuxuu, eebbe ugu sheegay
63. Amarkeedu inuu weynyahaa, nala ogaysiine
64. Axadkii ku caasiya cadaab, ways arkahayaane
65. Acmaal khayr leh haddii aad fashoo, faralka aad oogto
66. Ama aad xajkii aaddo ood, gudato awqaafta
67. Hooyadi eryaha erayga kulul, kula ataagaaya
68. Caasiga inkaarani jannada, wuu ag marayaaye
69. Ololkii cadaabkaa uqoran, iilka wuu gubane
70. Abaal dhace wixii lagu akmilay, ka indha taagaaya
71. Ee abaydinnimadii inkiray, tiil awood li’iye
72. Oogadiisa muruqyada midkaa, abadanmoodaaya
73. Aqli xumaha islaanyahay nadaa, ku asaraaraaya
74. Eray liita eeyaa qofkii, hooyo oranaaya
75. Muran iyo akeekamid midkaan, kala ajoonaynin
76. Afgaroocu weligii ma helo, eray wanaagiise
77. Arxan laawe hoygiisu waa, olol jaxiimaade
78. Ma aflaxo abiidkii sharwale, caasi eed galaye
79. Ibihii ad nuugtiyo dhabtii, abaxdu kuu tiillay
80. Araxday ku saartiyo dushaad, ku istareexaysay
81. Aqli laawe ruuxii inkiray, eedyay jeer kala e
82. Ihaaniyo dhibbuu la kulmayaa, lama illaawaane
83. Ina hebel waxaad tahay intaad, dunida joogtaaye
84. Isimkaaga aakhiro hooyadaa, loo abtiriyaaye
85. Inkir malaha wixii aayad tiri, ama axaadiise
86. Amarkeeda waa layna faray, inaan addeecnaaye
87. Da’du markay asiibtee xanuun, aafo soo ridato
88. Markii ay awooddii gabtoo, oogadii dabacdo
89. Agaasimid dhaqaalayn leh iyo, eray turriinshiiyo
90. Af macaan aqbalay iyo wanaag, lagu adeegaayo
91. Adigoon dhibsanahayn shaqada, aad u qabanayso
92. Ahmiyadda ujeedkaagu waa, eebbe ka cabsoode
93. Ajar weyn ayaa laga dhaxlaa, aakhiraad heline
94. U ixsaan fal iyaguba siday, kugu ahaayeene
95. Alaakoodintoodii horiye, aaya korintaadi
96. Alif barashadaadii ilaa, baqara aad gaartay
97. Intaasay adduun kugu lunsheen, aar ayuu noqone
98. Quruxdiyo ilwaadaani waa, ababintoodiiye
99. Arbe maad ahaateen haddaan, lagu aleelayne
100.Ha is moodin amiir boqora iyo, geesi aaminehe
101.Idif baad lahayd iyo dhareer, sebi ahaantiiye
102.Indhal meel la dhigay baad ahayd, oon awood qabine
103.Ummi garasho daran baad ahayd, eray aqoontiiye
104.Uskagii markay kaa dhaqdaad, abab wacnaataaye
105.Shuushaamin aaday dadaal, kugu itaashaaye
106.Arrad-bixin aqool bay intaa, kula agjoogtaaye
107.Gaal iyo islaan kaad ahaan, waalid waw araxe
108.Ustaad baraha koowaad aflaxe, iyada weeyaane
109.Ujro kaama doontiyo waxsiin, aanafiyo quude
110.Abaal uga dhig eebbow jannada, wa’ad awoodaaye.


BAARGAAL.NET
ISha waraka horumarka calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain