Hindise lagu Mataanaynayo Magaalada Caluula ee Gobolka Gardafuu iyo Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga

Hindise lagu Mataanaynayo Magaalada Caluula ee Gobolka Gardafuu iyo Magaalada Torino ee Dalka Talyaaniga


waa in aan xoojino iskaashiga si kor loogu qaado dhaqaalaha Afrika, loogana hortago dagaallada iyo gaajada Taasi waxay ahayd fariintii ay si wadajir ah ugu bilaabeen shirkoodii maanta ka dhacay Hoolka Town gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ee dalka Somalia mudane Abdulkadir Mohamed iidi iyo Mooris Brown, hoggaamiyaha xisbiga walaalaha ee magaalada Turin iyo Gobolka Piedmont ee Dalka talyaaniga.

Mooris  Brown oo sii sharaxaya hadalkiisa ayaa wuxu yiri "sanad gudihiis taleefanada u dhexeeya gobolada ee barnaamajka Ilaalinta magangalyo-doonka iyo qaxootiga ee gobolka Piedmont waxa ay ku bixiyaan qiyaastii 80 million, waxaa fiicnaan lahayd in ugu yaraan qayb ka mid lacagtaas  in lagu maalgaliyo oo fursad lagu siiyo horumarinta jiilalka Afrika ee halista u galaysa dhimashada badda Mediterraneanka ama ku biiraysa ururada argagixisada sida ururka alshabab ee dagaalada dhiiga badani ku daateen ka wada koonfurta soomaaliya iyo Dalka kenya.

Mooris Brown ayaa  wuxuu kaloo sheegay in Talyaanigu uusan ahayn inuu uu kasoo gudbo  guumaysi una gudbi daryeel la'aan , sidoo kale gobolka Piedmont , ay horay u lahaayeen xafiisyo iyo qaab-dhismeedka xiriirka caalamiga ah iyo iskaashiga si ay ugu shaqeeyaan

Dhinaca Kale gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Abdulkadir Mohamed iidi ayaa ka hadlay xiriirka ka dhaxeeya labada dal iyo labada magaalo, wuxuuna yiri: 

"Waxaa ka dhexeeyay xiriir gobolkeena Guardafui oo ku yaal cirifka Geeska Afrika iyo magaaladiinaTurino tan iyo markii sawir qaade ka socda Turino, oo la yiraahdo Carlo Pedrini, uu diiwaan galiyay markii ugu horeysay dhismaha Manaarada Francesco Crispi, Guri Dawladeed oo ku haray ilaa maantadan la joogo Soomaaliya casrigii gumeysiga.

gudoomiyaha Gobolka Gardafuu ayaa ku daray in xiriirka labada dal iyo magaalaba yahay mid hore oo taariikhiya asagoo sheegay in fursaddan uga faaiidaysanayan si ay u cusboonisiin lahaayeen iskaashigii u dhexeeyay magaalada Turino, caasimadda Gobolka Piedmont ee Dalka talyaaniga, iyo magaalada Caluula ee xarunta Gobolka Guardafu ee Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya anagoo soo bandhignana hindisahan lagu mataanaynaayo labada magaalo.

Gudoomiyaha ayaa yiri Waa fursad sidoo kale ganacsiga talyaanigu uu fursado badan oo maalgashi ka heli karo dalkeena.


Ugu Danbayntii Gudoomiye C/qaadir iidi ayaa yiri Italy waa Gurigaygii labaad Markii aan halkan imaado mar walba soo dhaweeyn sida ugu wanaagsan oo suurto gal ah ayaa lay sameeyaa, Waxaan leenahay taariikh muhiim ah oo iskukaya keenta oo na xiriirisa .

Duqa magaalada Turin , Piero assino , oo si wadajir ah ula kulmay Gudoomiyaha guardafui - Puntland ( Soomaaliya ) ,qoraaga buugga "Manaarada Mussolini " , Alberto Alpozzi taliyaha gobolka , Maurizio Brown , kalana hadlay sidii loo furi goobo cusub oo ka mid ah iskaashiga u dhexeeya labada Gobol oo taariikhi ah 

Kulan uu la qaatay  Gudoomiyaha Gobolka Gardafuu Duqqa magaalada Turino  fassino Piero

Guddoomiyaha guardafui , Abdulkadir Mohamed iidi, kulan uu la yeeshay agaasimaha shirkadda smat ee biyaha dhulka hoostiisa mara , Romano , ayagoo kawada hadlay  arrinta biyaha geeska Africa










Guddoomiyaha Gardafuu , Abdulkadir Mohamed , oo  waraysi la yeeshay  Dr. Ronco sidii siwadajir ah loogu wajihi lahaa baaritaanka biyaha geeska Africa

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka Deegaanka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain