Manchester United Oo Hogaanka La Waregtay iyo Manchester City Oo Laga Badiyay horyaalka Ingiriiska ee premier league

Manchester United Oo Hogaanka La Waregtay iyo Manchester City Oo Laga Badiyay horyaalka Ingiriiska ee premier league
Manchester United ayaa garoonkeeda Old Traffrod ku garaacday kooxda Sunderland oo xaalad masiibo ah ku jirta, waxayna guushan Red Devils ku gaadhay 3:0 waxaana goolasha ukala dhaliyay Depay, Rooney iyo Mata, waxayna guushani Man United ka caawisay inay hogaanka Premier Leaque-ga kala wareegto kooxda ay dariska yihiin ee Manchester City oo kulankeedii guuldaro wayn kala soo kulantay Tottenham.

Manchester United ayaa Old Traffrod ku soo dhawaysay kooxda xili ciyaareedkan dhibaataysan ee Sunderland taas oo kala saraynta Premier Leaque-ga kaga jirta kaalinta ugu hoosaysa. Sunderland ayaa lix kulan oo ay ciyaartay horyaalka Ingiriiska ka heshay laba dhibcood oo kaliya, waxayna Old Traffrod iskeentay iyada oo ku jirta xaalada dhibaato.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Man United soo bandhigtay qaab ciyaareed ka fiican sidii ay ahayd qaybta hore ee ciyaarta, waxayna daqiiqadii 46 aad ee bilawgii qaybta goolka labaad Man United udhaliyay Wayne Rooney kaas oo goolkan ku dhaliyay kubbad uu si fiican uga soo shaqeeyay Anthony Martial , waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Man United hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay.

La wareegitaanka Hogaanka ee Manchester United ayaa ka dambeysay markii maanta duhurkii laga badiyay Kooxda Manchester City oo hogaanka u heysay horaalka, waxaana 4-1 uga badisay kooxda Tottenham Hotspur.
Tottenham ayaana ka soo kabatay gool looga hormaray daqiiqadihii hore ee ciyarta, waxaana ay dhamaadkii ciyaarta ay keensatay goolka bar baraha, iyadoo qeybtii labaad ay dhalisay saddex gool xiriir aheyd.

Manchester City ayaa guuldaradan u aheyd tii labaad oo isku xigta, iyadoo todobaadkii hore gurigooda loogaga badiyay, waxaana ka adkaatay kooxda Westham United.

Kooxda Liverpool ayaa Iyaduna Ciyaartay Waxeyna 3-2 uga badisay Aston Villa, waxaa Liverpool labo ka mid ah goolasha u dhaliyay Sturidge oo muddo dhaawac ku maqnaa.

Natiijada Ciyaarihii kale :

Tottenham Hotspur 4 – 1 Manchester City
Leicester City 2 – 5 Arsenal
Liverpool 3 – 2 Aston Villa
Manchester United 3 – 0 Sunderland
Southampton 3 – 1 Swansea City
Stoke City 2 – 1 AFC Bournemouth
West Ham United 2 – 2 Norwich City
















Developed by Jago Desain