Sayladaha lagu kala iibsado Kalluunka Magaalada Boosaaso oo Qiimihiisu Sare u kacay



Mudooyinkii ugu danbeeyey Waxaa sare u kac baahsan ku yimid qiimaha la kala siisto Kalluunka ee Suuqyada Puntland gaar ahaan Saylada Kaluunka Bosaaso, arrintaas oo ay walaac ka muujiyeen dadka ka ganacsada Kalluunka.

Shiikh Nuur Maxamed Cabdullaahi oo kamid ah kalluumeysatada Boosaaso ayaa u sheegay Raxanreeb Online in sare u kac ku yimid kalluunka sabab u tahay Isbadelka ku imaanayey Badda.

Waxa uu sheegay in xiligaan aysan jirin caqabadihii ay kala kulmi jireen Burcadbadeedka iyo Jariiflayaasha kuwaasoo dhibaato ay ku qabeen marar badana ka cawdeen.

Qiimaha Kaluunka Saylada Magaalada Bosaaso Lakala Siisanayo xabadii Kaluuna Ayaa Ah.
1.Saynuub: 450,000
2.Faraska : 1,500,000
3.Tabadin: 3,200,000
4.Taraaqad: 900,000
5.Taraaqad yaryar :400,000
6.Shirwa: 250,000
3.Gaxash: 30,000

Shiino Maxamed Xirsi oo ka ganacsatada kalluunka ayaa sheegtay in aad qaali u yahay xiligan kalluunku isla markaana ay aad uga cawdeen shacabka ku dhaqan magaalooyinka siiba Boosaaso.
"Waxaa igu yaab badan xalay waxaan qaatay 11-xabo oo Saynuub ah ,waxaa la igu qoray shan milyan ,lix boqol iyo Toban kun oo shilin Soomaali ah (5,610,000 shso) hadana mahayo waana hanti dadweyne", Sidaas Ayey tiri.

Si kastaba bulsho ,ganacsato iyo shaqaale kala duwan ayaa ku xiran,waxaana si aad ah looga cunaa magaalooyinka waaweyn ee Puntland.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain