Posts

Shirkadda Microsoft oo Suuqyada Caalamka soo Gelinaysa Moobilo Casri ah

Shirkadda caanka ah ee dhinaca barnaamijyada kombuyuutarada caanka ku ah ee Microsoft, ayaa ku dhawaaqday in ay suuqyada soo gelinayso bisha October ee 2015 moobilo cusub oo nooca casri ah (Lumia smartphone).

telefoonnadan gacanta ee shirkaddu soo saarayso oo ay u bixisay Lumia 950( Talk man) iyo Lumia 950 XL(city man), waxa ay shirkadan qorshaynaysaa in ay suuqyada moobilada ku soo biirto, maadaama hore loogu yaqaanay barnaamijyada kombuyuutarada, balse waxay la wareegtay shirkaddii moobilada soo saaristooda caanka ku ahayd ee Nokia, kadib markay ku iibsatay lacag gaaraysa $ 7 Bilyan dollar.

Shirkadda Microsoft, ayaa moobiladeeda casriga ah waxa ay kaga duwanaan doonaan kuwii hore suuqyada u yaalay, waxa maskaxdooda ay wax ku kaydsanayaan noqonaysaa 32 Gb, kamaradooda horena waxa ay noqonaysaa 5mp, halka kamarada dambena noqonayso 20mp, waxa uu yeelan doona qaybta xasuus deg dega (RAM) oo 3GB ah. Sidoo kale, waxa uu kaga fiican yahay telefoonnada kale xagga kaydka dabka, iyadoo uu yeelan doono hab casri ah oo loo dabaynaayo sida in internet, gaar ahaan Wireless lagu dabayn karo oo aan jaarjer (charger) loo baahan.

Shirkadan Microsoft, ayaa doonaysa in ay tartan dhinaca suuqa ah la gasho shirkadaha moobilada caanka ku ah ee ay ka midka yihiin Apple iyo Samsung.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Baargaaltech
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain