Xukuumadda Sucuudiga Oo Lacag Magdhaw Ah Siinaaya Dadkii Ku Dhintay Iyo Kuwii Ku Dhaawacmay Shilkii Xaramka Ka Dhacay

Maxkamada dalka Sucuudiga ayaa Talaasadii shalay go’aan kasoo saartay hakinta mashruuca dhismaha ee shirka Bin Ladin Group ka wado masjidka weyn ee Xaramka, kadib shilkii ay ku dhinteen 111 qof.

Maxkamada ayaa sidoo kale sheegtay in isha lagu heyn doono dhamaan mashaariicda ay shirkadan wado ee dhismaha, sidoo kale waxaa la joojiyey in wax mashruuc cusub ah lasiiyo shirkadan inta uu dhamaanayo baaritaanka socda.

Xog horudhac ah oo la helayo ayaa sheegaya in Wiishkii kusoo dhacay Masjidka aan si sax ah loo rakibin, isla markaana dabaylo xoogleh ay sababeen inuu soo dhaco. Xiligaasi oo uu magaalada Makka ka da’ayey roob wata dabeylo xoogleh, waxaana la sheegay in biriq ay ku dhacday Wiishka soo dhacay.

Xukunka Maxkamada Sucuudiga ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mulkiilayaasha iyo mareeyayaasha shirkada Bin Ladin Group aysan ka bixi karin dalka Sucuudiga inta uu baaritaanka socdo.

Magdhaw:-

Dadka ku dhintay shilkii Masjidka ayey maxkamada u go’aamisay in lasiiyo lacag magdhaw ah oo gaareysa 1 milyan oo riyaal oo u dhiganta in ka badan $230.000 dollar qofkiiba, Sidoo kale dadka uu soo gaaray dhaawaca culus oo ee noloshooda curyaamin kara ayaa iyaguna loo xukumay magdhaw dhan 500.000 riyaalka Sucuudiga.

Magdhawgan ayaa waxaa sidoo kale ansixiyey Boqorka Sucuudiga Salmaan oo booqday dadkii dhaawaca kasoo gaaray shilkaasi, wuxuuna Boqorka Sucuudiga intaasi raaciyey in dhamaan qoysaska dadka ka dhinteen labo xubin oo kamid ah ay Boqortooyada bixin doonto Xajkooda sanadka danbe.

Waxaa la filayaa in marka uu soo dhamaado baaritaanka socda ay Maxkamada dalkaasi ay xukun ku ridi doonto shirkada Bin Ladin Group oo ah shirkada ugu weyn ee dhismaha ee dalalka Bariga dhexe, shirkadaasi oo ah tan dhista mashaariicda ugu waaweyn ee dhismaha dalka Sucuudiga oo uu ku jiro Masjidka Xaramka.

Shirkadan oo xiriir dhow la leh Boqortooyada Sucuudiga ayaa waxaa aasaasay Aabihii dhalay hogaamiyihii hore ee Al Qacida Osama Bin Ladin oo isaguba horey uga soo noqday shirkadaasi maareeye, walow ay qoyskiisa iska fogeeyeen aragtidii Osama Bin Ladin iyo kooxda Al Qacida.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Deegaanada Calbari
Email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain