Culimada iyo Dowladda Puntland oo Shaaciyey Roob Doon

Wasaaradda Cadaalada Puntland iyo Culumada Puntland ayaa maanta shaaciyey in maalinta Isniinta ee taariikhdu tahay 12-October-2015 dhamaan gobolada Puntland laga sameeyo Roob doon oo ay isku soo baxaan dadweynaha, Culumada iyo madaxda.

Wasiirku xigeenka wasaaradda Cadaaladda Puntland Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegay in dowladda iyo Culumada ay isku raaceen in maalinta Isniinta la Roob doono, Isku soobaxna laga sameeyo dhamaan gobolada Puntland oo ay ka dhacdo degmo kasta.

Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf oo ka mid ah Culumada ku baaqday Roob doonta ayaa ka hadlay fadliga roobdoonta, Wuxuu sheegay in ay ka mid tahay arin alle laga baryayo Roob la iskuna soo baxano oo ay kaga dayanayaan Rasuulka NNKH oo isku soo bax alle ku baryi jiray.

Wuxuu faray dhamaan shacabka Muslimiinta in ay alle ka cabsadaan kana baryaan in uu u naxariisto oo Roob iyo raxmad siiyo, Dambi dhaafna weydiistaan.

Waxaa lagu jiraa bilahii u horeeyey ee la heli jiray Roobka Dayrta inkastoo ay aad u yarthay deegaamada Roobk helay inta badan gobolada Puntland waxaa ka jira Roob la’aan iyo kulaylka cimilada oo aad u sareeya.

BAARGAAL.NET
isha wararka horumarka calbari
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain