Daawo : Booqashadii Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Qoyska Puntland Anisa C/qaadir Xaaji Muumin ee Canada

Daawo : Booqashadii Wasiirka Haweenka Puntland Anisa Haaji Mumin ee Canada

Jaaliyadda Soomalida ee Canada, gaar ahaan reer Puntland ayaa gacmo furan kusoo dhaweeyey wasiirka arrimaha haweenka iyo horumarinta qoyska ee Puntland marwo Anisa Abdulqaadir Haji Mumin oo dhawaan booqasho gaaban kusoo gaartey Canada iyo Mareykanka. 

Intii ay ku guda jirtey socdaalkeeda ayaa waxaa ay kulamo kala duwan layeelatey qurba joogta reer Puntland ee W.America. 

Magaalada Toronto ayaa lagu qabtey shir aad u weyn oo ay ka sooqeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulsha-weynta reer Puntland iyagoo ku soo dhaweeyey wasiirka Marwo Anisa; 

Barnaamijka oo uu xiriirinayey wariyaha ruug caddaaga ah Mohamud Mohamed Muse (MMMuse) ayaa ahaa mid jawi aad u quruxbadan kudhacey. Wasiirka oo hadal aad loola dhacay kasoo jeedisey fagaaraaha ayaa aad ugu nuuxnuuxsatey horumarka ballaaran ee Puntland ay kutallaabsatey, Iyadoo faahfaahin dheer ka bixisey siyaasada iyo qorshaha wasaaradeedu ay dhigatey si guulo lataaban karo loo gaaro.

Qaar kamid ah xubnihii shirka kasoo qeybgaley ee qurba joogta puntland ahaa ayaa iskula sheekeeysanayey in ay haboonaan lahayd in Anisa Haji Mumin loogu daro wasaaradda warfaafinta Xilka ay hadda hayso, sababta ayeey ku sheegeen ineey aad ula dheceen sida quruxda badan oo ay uga warrantey xaaladda guud ee Puntland, waxeeyna raaciyeen ineey arkeen markii ugu horreeysey wasiir hadal cad oo xikmadeeysan ku hadlaya kana yimid dhulkoodii Puntland.

Sikastaba arrintu ha ahaatee, Jaaliyaddu waxeey ka codsatey in wasiir Anisa Abdulqaadir haji Muumin  ay dib ugu soo noqto Canada. 

Dhinaca Kale , waxaa ay wasiir Anisa abdulqadir haji mumin booqasho ku tagtey Ottawa oo ah caasimadda Canada iydoo kula kulaney masuuliyiin sare oo katirsan dowladda Canada, warbixin dheer oo ay kasiisey xaaladda haweenka iyo carruuta ee Puntland ayaa kaga ilmeeysiisey madaxdii ay kula kulantey Xarunta looga taliyo Canada ee Parliament Hill ama  (Buurta Dowladda).  

Mohamed Dahir
Toronto - Canada 

Developed by Jago Desain