Daawo: Wasaarada haweenka iyo arimaha Qoyska Puntland oo deeq gaarsiisay qoys dan yar ah

Daawo: Wasaarada haweenka puntland oo deeq gaarsiisay qoys dan yar ah
Wasiirada haweenka iyo arimaha qoyska puntland aniiso cabdiqaadir xaaji muumin ayaa maanta deeq gaarsiisay Qoys ku dhaqan goob duleedka ka ah magaalada Garoowe Caasimadda Dowladda Puntland kaas oo mudooyinkii dambe xaaladooda la hadal hayay.
Deeqda ay wasiiraddu gaarsiisay Qoyskan ayaa waxaa ka mid ahaa raashin la cuno, Dhar iyo agab kale oo intifaaci u ah
Wasiiradu waxa ay sheegtay in ay il gaar ah ku heysay Wasaaradeeda qoyskan dhibaateysan, waxayna ugu boorisay dadka wax heysta in ay kala qeyb qaataan kaalmeynta qoyskan.
Qoyskan ayaa waxaa ka mid ah Haweeney Da’ ah oo mudo ka badan Sedax sano ka jabneyd misigta mid ka mid ah lugaheeda, waxaana dhibaatada qoyskan horay looga baahiyay warbaahinnada gudaha qaarkood.
Daawo Muuqaalka Warbixin la xiriirta Boqashada wasiirada Anisa ee Qoyskaasi dhibaateysan.


SHABAKADA BAARGAAL.NET
isha wararka Horumarka Calbari 
email:Baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain