Dhagayso : Shir looga hadlayo horumarinta Gobalka Gardafuu oo Maanta qaybaha Bulshada Gobalkaas uga furmay Degmada Caluula


Shir looga hadlayo horumarinta Gobalka Gardafuu ayaa Maanta qaybaha Bulshada Gobalkaas uga furmay Degmada Caluula, shirkaas oo ay ka soo qaybigaleen Isimada, Waxgaradka iyo Qube-joogta Gobalka.

Gudoomiye kuxigeenka Degmada Caluula Cabdirasaaq Siciid Buunge oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in shirkaasi diiradda lagu saari doono horumarinta gobolka iyo sidii wax looga qaban lahaa xaalad abaareed oo soo foodsaartay qaybo kamid ah gobolkaasi.

Gudoomiye ku xigeenka Caluula ayaa dhinaca kale xusay in xeebaha gobolka uu faro ba,an ku hayo kalluumaysiga sharci darrada ahi kaasi oo saamayn xooggan ku yeeshay dadka noloshoodu ku tiirsan tahay khayraadka Badda.

Gudoomiye kuxigeenka ayaa xusay in gaadiidka ugu badan ee haatan xeebaha ka kalluumaysanaya laga leeyahay waddamada Iran iyo Yemen waxaana uu ugu baaqay Dowladda inay wax ka qabato arinkaas.

halkaan Hoose ka dhegeyso waraysiga.



SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain