Puntland iyo Itoobiya oo Wada Gaaray Heshiis Ganacsi

Dawladdaha Puntland iyo Itoobiya ayaa wada gaaray heshiis dhinaca Duulimaadka ah,kaasi oo horseedaya in shirkad lagu magacaabo National Airways ay bilowdo Duulimaad u kala gooshaya Puntland iyo Itoobiya.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle ''Indhaguran'' ayaa sheegay in heshiisku uu fududaynayo Safarada dadweynaha u kala goosha Puntland iyo Itoobiya.
''Diyaaradan waxaan rajaynayaa in wax badan oo baahi ah ay dabooli doonto waad la socotaan in xiriirka Puntland iyo Itoobiya ay leeyihiin uu aad u wayn yahay haday noqon lahayd dhinaca Waxbarashadda oo Arday ay deeqo Waxbarasho helaan,ardaydaasi marka ay Waxbarasho ay aadayaan,marka ay soo noqonayaan iyo marka ay eheladooda soo booqanayaan waxy u baahan yihiin diyaarad''Ayuu yiri Wasiirku.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yiri''……Halkan dad aad u badan ayaa Caafimaad uso aada dhibaato ayaa dhinacaas ka haysatay,waxaa jira dad Ganacsi u imanaya,waxaan cadaynayaa innaan bilownay heshiis ay kala saxiixdeen Puntland iyo Itoobiya oo ah dhinaca Kalluunka ah tan Kalluunka Garowe ayaan ku galnay''.

Cabdiweli Xirsi Cabdulle Indhaguran ayaa sheegay in heshiiskan uu sido kale muhiim u yahay Qurbajoogta Puntland ee doonaya inay dalka yimaadan.

Dhanka kale,Wasiirka ayaa sheegay in Dawladaha Itoobiya iyo Puntland ay wada gaareen heshiis Ganacsi,gaar ahaan Dawladda Itoobiya oo qaadanaysa Kalluunka Puntland,arrintaas oo Wasiirku uu sheegay in loo sameeyay diyaarad gaar ah.

SHABAKADA BAARGAAL.NET
Isha wararka horumarka calbari
email:baargaal@gmail.com
Developed by Jago Desain