Sawiro : Kalluumaysatada Degmada Baargaal oo cabasho ka muujiyay Maraakiib Jariif ah

Kalluumaysatada iyo Odayaasha degmada Baargaal ayaa cabasho xoogan ka muujiyay Maraakiib Jariif ah oo faro kulul ku haya xeebaha Deegaanka, kuwaasoo saameyn ku yeeshay ganacsigii deegaanka.

Hayada PDRC oo wadata wariyayaal ka kala socda warbaahinta qaybaheeda kala duwan ayaa baryahan ku suganaa Degmada Baargaal ee Gobolka Gardafuu

Barnaamijkan wariyayaasha ku yimaadeen Degmada Baargaal oo ay soo abaabushay Hayada PDRC Ayaa ujeedkiisu yahay sidii looga warami lahaa xaalada deegaanada loo yaqaan gaari waaga, isla markasna loo ogaado baahida shacabka xaga waxbarashada, caafimaadka, amniga iyo biyaha
Xuquuqda Sawirada
wariye Cali Cabdi Ducale
















Developed by Jago Desain