(Sawirro-Cod) : Shaah ka duwan kan Soomaalida oo laga cabo degmada Baargaal

(Sawirro-Cod) : Shaah ka duwan kan Soomaalida oo laga cabo degmada Baargaal

Degmada Baargaal oo ka mid ah degmooyinka hoos taga Gobalka Gardufuu waxay ka mid tahay magaalooyinka qadiimiga ah, oo ganacsi ahaan xiriir la leh wadamada carabta sida dalka Yaman oo hada dagaalo sokeeya ka socdaan.


Magaalo kasta oo aad tagto waxaad ku arkaysaa sheekooyin xiiso leh, kuwaasoo qaarkood noqon karaan kuwo horay usoo jiray oo dhalinyarada hadal hayaan iyo kuwo cusub oo laga soo min guuriyay dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya.

Baargaal waxaan ku arkay Shaah ka duwan kun caadiga ah ee Soomaalidu cabto, kana samaysan Sonkor,caleen iyo hayl, balse Shaahan magac ahaan waxaa la yiraahdaa ”Dangawiis” waxa uu ka kooban yahay Biyo dabka la saarayo, Sanjabiil iyo Sonkor, kolka dabka laga soo qaado ayaa lagu darayaa caano boore, dhadhankiisa wuu ka duwan yahay Shaaha caadiga ah ee Soomalidu u badan tahay.


Wariyaashii shaqada u tagay degmada iyo shaqaale ka tirsan Hay’adda PDRC ayaa shaahan tijaabiyay, waxayse noqotay in marar badan lagu noq noqdo, maadama uu ka duwan yahay Shaaha caadiga ah.
Ismaaciil Xaaji Xaraash oo ka mid ah saraakiisha PDRC qaybta Maqal-Muuqaalka guur guura (MAVU) ayaa ka waramaya Shaaha Dangawiis wuxuu kaga duwan yahay Shaaha caadiga ah, sidoo kale wariyaashii cabay ayaan ka waraystay.

Xuquuqda warbixinta iyo sawirada waxaa iska leh :
wariye Cali Cabdi Ducale


Hoos ka daawo Sawiradda shaahaasi oo wariyaashu cabanayaan.
1

2

3
4
Developed by Jago Desain