SWEDAN: Nin seef la galay iskuul, macallin iyo ardayna qudha ka jaray

Sida ay xaqiijiyeen booliska dalka Swedan ayaa nin 21-jir ah waxa uu weerar ku qaaday iskuul caruur oo ku yaal magaagalada Trollhättan halkaas oo uu ku dilay laba ruux - macallin iyo arday.


Weerarkan ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay laba ruux kuwaas oo lagu dabiibayo cusbitaalka, dhaawocooduna yahay kuwo daran, sida ay xaqiijiyeen booliska.
Ninka weerarka geystay ayaa waxaa toogtay booliska kaddib markii ay iskuulka soo gaareen ayna iska hor yimaadeen gacan ku dhiiglaha.

Developed by Jago Desain