Posts

UN-Ka oo madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ku eedeysay musuqmaasuq

Warbixin hay'ada Qaramada midoobey u qabislan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea [SMEG] ay soo saartey 20 October,2015 ayaa ku eedeysay Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamad Cali Gaas inuu ku guuldareystey dhameystirka dagaalka lagula jiro Al-Shabaab halka uu indhaha ka qarsadey iibinta shatiyada kaluumeysiga sharci darada ah.

Warbixinta ayaa xustey in amaanka degaanada Puntland aan la isku haleyn karin madaama si joogta ah dib u dhac ba'an iyo mushahar la'aan u haysato ciidamadeeda amaanka.

Musuq-maasuqa la xiriira iibinta ruqsadaha kaluumeysiga Hogaanka Puntland iyo dowlada Federaalka waxey si fog luqunta ugala jiraan iibinta fasaxyada kalumeysiga sharci darada ah kuwasoo la siinayo maraakiib shisheeye. Markiibtaan ayaa kaluunka ka guranaya xeyndaanka loo yaqaano " Economic Zone".

Saraakiil ka tirsan maamulka madaxweyne Gaas ayaa la rumeysan yahay iney iibiyaan ruqsadaha kaluumeysiga iyagoo dhaqaale sharci daro ah oo deg deg raadinaya ayaa warbixnta lagu qortey.

Dhinaca kale doonyaha Iraaniyiinta ayaa ruqsada kaluumeysiga sharci darada ee Puntland ka iibsata suuqa dibada kuwasoo adeegsada nin magaciisa QM ku soo koobtey Cabdulqaadir.

Inta u dhexeysay bilihii August iyo September saraakiisha Puntland waxey ku guuldareysteen iney ka jawabaan su'aalo Ilaaliyaasha QM waydiyeen kuwasoo la xiriira markiib la siiyey ruqsado kaluumeysi.

Xukuumada Puntland ayaa ruqsad ay ku shaqeeyaan siisey March 2015 shirked la yirahado Somali Security Service Ltd (SSS Ltd), oo uu leeyahay Cabdiweli Cali Taar kasoo QM ku tilmaameen inuu darewal Taxi ka haan jirey Canada islamarkaana qaraabo dhow yihiin madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas.

Taar ayaa warbixintaan sheegtey in la siiyey ruqsad uu ku ilaaliyo xeebaha Puntland.

Warbixinta QM ayaa lugta u surtey Cabdiweli Cali Taar musuqmaasuq la xiriira inuu iibinayo fasaxyo kaluumeysi oo sharci daro ah.

Cabdiweli ayaa lagu tilmaamey inuu ahaan jirey milkiilaha shirkad musalaftey oo la oran jirey SomCan sanadihii 2000.

"SomCan waxay sababtey dagaal ay qadaan kaluumeysatadu, taasoo gacan wayn ka gaysatey bilowgii burcad badeednimada Somalia. Shaqada shirkadaan ayaa dhamaatey kadib markii ciidamadeeda badda afduubeen markab kaluumeysi oo ay ilaalinayeen, markabkaas oo la oran jirey Sirichainava 12 ayaa waxaa laga dalbadey madax furasho gaareysa USD 800,000." ayaa warbixinta QM lagu xusey.

Ilaaliyaasha Qaramada Midoobey ayaa odorasey in shirkada SSS Ltd ka iibin doonto ruqsado kale oo sharci daro ah macaamiil ajaanib ah tasoo abuuri doonta isku-dhacyo dhexmara kaluumeysatada Puntland iyo maraakiibtaas, arintaasoo horey u dhacdey 2007.

Warbixinta Qaramada midoobey ayaa dhinaca kale ka hadashey heshiisyada shidaalka ay QM ku tilmaameen iney maqan tahay nidaamkii dastuuriga ahaa ee lagu qaybsan khayraadka dalka.

Warbixintaan ayaa golaha amaanka QM u soo jeedisay in hakad la galiyo heshiiyada shidaalka ee maamulada Somalia iyo dowlada Federaalka siinayaan shirkadaha shisheeye inta la helayo sharci lagu qaybinayo khayraadka dalkaas.

Madaxda maamulada, dowlada Federalka iyo shirkadaha haysta ruqsadahaas ayaa ka biyo diideey codsiga ilaalilyaasha QM u qaabilsan arrimaha Somalia iyo Eriteria.

Halkaan ka akhri warbixinta QM

http://www.un.org/ga/search/view_doc.asp?symbol=S/2015/801
Developed by Jago Desain